​Puntland oo Qandala ka qabsatay Daacish iyo war-saxaafadeed lagu qabanayo

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada Puntland ayaa saaka gacanta ku dhigay degmada Qandala ee gobolka Bari kadib markii ay ka qabsadeen koox sheegatay Daacish oo muddo kabadan bil ku sugnaa.

Wararka uu helayo warsidaha GO, ayaa sheegaya in kooxdaasi u firxadeed dhinaca buuraha iyo Tog lagu magacaabo Bin Jacayl.

Xogta ayaa intaas Ku daraysa in mallayshiyaad tiro ahaan lagu sheegay 19 oo dhaac sita lagu arkay degaanka Buruc ee gobolka Bari. 

Saraakiisha dowladda ee howlgalka hogaaminaysa ayaa wararku sheegayaan inay shir Jara'id warbaahinta ugu qaban doonaan degmada Qandala, kaasoo ay kaga hadli doonaan howlgalka.

Wariyaal ayaa saaka ka baxay Bosaso kuwaasoo raacay doonyo ay leeyihiin ciidanka badda Puntland iyagoo kusii jeeda degmada gacanta dowladda lagu soo celiyay.

Dhinaca kale, Xog uu helay GO ayaa sheegaysa in dowladdu degmadaasi kasamayn doonto saldhig ciidan oo ay taageerayo Maraykanku, si looga hortago falalka kooxdan iyo inay isku ballariyaan deegaanada kale ee gobolka. 

Degmada Qandala ayaa noqotay goobtii ugu horaysay oo gacanta ku dhigaan mallayshiyaad taabsan Daacish. 

Wixii faahfaahin dheeraad ah wararkeena dambe ayaan idiin kusoo gudbin doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM