Puntland oo qoraal kasoo saartay hadal kasoo baxay Jawaari
GAROWE, Puntland- Xukuumadda Puntland, ayaa ka digtay in farogalin lagu sameeyo hishiiskii madasha ee ku saabsanaa doorashooyinka ka dhacaya dalka Somalia. Qoraalkan, ayaa lagu naqdiyay war kasoo baxay Guddoomiyaha waqtigu ka dhammaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dhawaan xubinta Aqalka hoose ka helay magaalada Baydhabo.