Puntland oo shuruud ku xirtay Wadahadalka Somaliland

Image

GAROOWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa ka jawaabtey hadal kasoo yaarey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee maamulka Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, kaasi oo ku saabsan colaadda Tukaraq. [Halkan ka akhri].

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xersi Cali (Qarjab) ayaa beeniyay wararka sheegaya in wadahadal ay beesha caalamka garwadeen ka tahay oo lagu qaboojinayo xiisadda Tukaraq ay kula jiraan Somaliland.

Qarjab ayaa shuruud adag ku xiray wadahadal ay Somaliland kala galaan arinta gobolka Sool, isagoo sheegay in illaa ciidamada maamulkaasi ka baxayaan deegaanada ay xoogga ku joogaan aysan la fariisan doonin mamaulka Muuse Biixi.

Isagoo hadalkiisa sii wata, mudane Qarjab ayaa beeniyay in Ciidamo katirsan dowladda Federaalka ay ka dagaalamayaan Tukaraq, waxaana warkaasi uu ku tilmaamay mid been ah, isagoo sheegay in Puntland ay difaacanayso dhulkeeda.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool deegaanada Puntland inay taageeraan Ciidamada jiida hore ku sugan ee dagaalka kula jiraan Somaliland, oo uu ku eedeeyay inay si sharci darro ah ugu soo duushay deegaananada Puntland.

Weli waxaa taagan xisada colaadeed oo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ka dib dagaallo ka dhacay Tukaraq tan iyo bishii January ee sanadkan, markii Ciidamada maamulka Hargeysa la wareegeen deegaankaasi.

Mas'uuliyiinta labada maamulka ayaa hawada isku marinayay hadalo xanaf leh oo sii hurinayo xiisada dagaal, iyadoo labada dhinac ay dhegaha ka fureysteen baaqyada beesha caalamka iyo dowladda Federaalka ee ku aadan joojinta colaadda sokeeye.

Ergayga QM ee Soomaaliya, Michael Keatin ayaa booqasho ku tagey dhawaan Garoowe iyo Hargeysa, isagoo la kulmay Madaxweyniyaasha Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Somaliland, Muuse Biixi oo ka codsaday inay xabad joojin sameeyaan.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM