Puntland oo soo dhawaysay ciidamo kasoo goostay Somaliland

Image

GAROOWE, Puntland- Ciidamo katirsanaa maamulka Soomaaliland ayaa u soo goostay dhinaca Puntland, waxaana lagu soo dhaweeyay deegaanka Hadhwanaag ee gobolka Sool.

110 Askari oo kamid ahaa Guutada Gacan-libaax oo uu hogaaminayo Dhamme Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax) oo uu weheliyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Dhamme Cabdullaahi Cabdi Cali ayaa ka soo goostay maamulka Somaliland.

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland,Sareeye Guuto Siciid Axmed Maxammed (Shoodhe), Abaan-duulaha ciidanka Daraawiishta Gen.Siciid Maxamed Salaad (Goroya-cawl) iyo Guddoomiyaha gobolka Nugal ayaa ciidanka soo dhaweeyay iyagoo usoo bandhigay saxaafadda.

Sarkaalka hogaaminayay ciidanka soo goostay, Dhamme Cabdullaahi Cabdi Cali(Gacan-libaax), oo saxaafadda warbixin siiyay ayaa sheegay in markii hore iyagu sabab u ahaayeen in maamulkan uu yimaado gobolka Sool, hadana ay ballan qaadayaan inay ka saaraan.

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland,Sareeye Guuto Siciid Axmed Maxammed (Shoodhe), oo hadal kooban jeediyay ayaa hambalyo u direy ciidankan wuxuuna sheegay inay bogaadinayaan tallaabada ay qaadeen.

Ma aha markii ugu horeysay maleeshiyo beeleedyo kasoo jeeda gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn ay u kala goostaan labada maamul ee isku haya gobooadaan.

Soo gooshada Guutadan ayaa kusoo aaday xilli xiisad colaadeed ay ka taagantahay gobolka Sool, taasoo soo bilaabatay kadib markii maamulka Somaliland uu qabsaday degmada Tukaraq horaantii sannadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM