​Puntland oo taageertay duqa London

Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa maanta hambalyo u diray duqa cusub ee magaalada London Sadiq Khan.

Camay oo ka qayb galayay xaflad lagu daah furayay howsha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa tilmaamay inuu ku faraxsanyahay doorashada hogaamiyaha muslimka ah, wuxuuna u diray hambalyo arrintaasi ku aadan.

"Waxaan rabaa inaan halkan ugu hambalyeeyo Mayorka London, anigoo run ahaantii guud ahaan shacabka magaaladaasi oo runtii sida geesinimada leh u doortay qof Islam ah. Mayorka Sadiq Khan Hambalyo ayaan leeyahay anigoo ku hadlaya guud magaca umadda Somaliyeed gaar ahaan Puntland,"Ayuu yiri Camay.

Wuxoo soo dhaweeyay siyaasadiisa cusub ee ku aadan maamulka magalada London isagoo u xusay inuu mudanyahay in la taageero, halka uu dhaliilay murashaxa xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ee Donald Trump oo ku eedeeyeey inuu kala qaybinayo mujtamaca waddankaasi.

07 Bishan, ayay ahayd markii ninkan asal ahaan kasoo jeeda Pakistan loo doortay inuu noqdo duqa magalada London ee dalka Ingiriiska.

Khan ayaa noqday muslimkii ugu horeeyay ee magaladaasi loo doorto, waana 45 jir ka mid ah 8 carruur ah oo ay dhaleen qoys kasoo guuray dalka Pakistan. Aabihii waxa uu ahaa darawal bas, hooyadiina waxa ay ka shaqeyn jirtay harqaan. 

Ku xigeenka Puntland ayaa sidaan oo kale horey u tageeray musharaxnimadii mar kale Madaxweynaha dalka Jabuuti kadib markii xaflad loogu qabtey magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM