​Puntland oo taageertay Sacuudiga iyo Imaaraadka [Akhriso]

Image

GAROWE, Puntland- War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Puntland, ayaa markii ugu horaysay looga hadlay khilaafka ka dhex aloosan waddamada Khaliijkan kasoo keenay in xariga loo jaro dowladda Qadar, kadib markii lagu eedeeyay inay taageerto Argagixisada.

Puntland, ayaa qaadatay go’aan ka duwan midka ay ka istaagtay khilaafkaas dowladda Somalia, waxaana war-saxaafaadeedka Madaxtooyada Puntland lagu sheegay in waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka kaalin lixaad leh ka qaataan arrimaha Amniga iyo Dhaqaalaha Somalia.

Nuqul kamid ah Qoraalka kasoo baxay Puntland oo ku qornaa Luuqadda English-ka islamarkaana uu helay Garowe Online, ayaa lagu sheegay inay taageersanyihiin Xulafada uu hogaamiyo Sacuudiga.

Puntland, oo si gaar ah u magacowday Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sheegtay in door muhiim ah ka qaateen sidii Dalka Somalia looga samayn lahaa Mashaariic Hormarineed islamarkaana loo taageeri lahaa dhinacyada amniga iyo Dhaqaalah iyadoo la sheegay inay saaxiib dhow la yihiin maamullada dalka iyo xukuumadda Federaalka Somalia.

“Waxaan aaminsanahay in doorkeena Garab istaaga Saaxiibadeen uu cadyahay, kuwaasoo ah Sacuudiga iyo Imaaraadka,” Ayaa lagu yiri War-saxaafeedka Puntland.

War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Somalia loogu baaqay inay dib u eegto go’aankeeda ku aadan khilaafka waddamada Khaliijka.

Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale Cambaarayn dusha uga tuurtay maamullada iyo cid kasta oo taageerta Argagixisada iyagoo walaac ka muujiyay in arrintaas wax u dhimayso Somalia iyo marxaladda ay hadda ku jirto.

Warsaxafadeedka ayaa ku soo beegmey xilli la filayo in Madaxweyne Gaas dhowaan tago dalka Sucuudiga iyadoo la sheegey in halkaas u gaari doono gudashada xajka.

Goor sii horaysay Xildhibaano kasoo jeeda Puntland iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta Somaliyeed ayaa soo jeediyay in dowladda Somalia anfacayn go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, waxaana la sheegay in waddamadaas yihiin kuwo garab istaagay dalkan mudadii uu colaadda ku jiray, halka Qadar doorkeedu uusan le ekayn Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Dhinaca kale labada Waddan ayaa muhiim u ah dhaqaalaha dalka Somalia, waxaana sannadkana kumaan neef loo iib geeyaa Boqortooyada Sacuudiga halka Imaaraadku taageero ciidamada Somalia ee ilaaliya amniga iyo burcad badeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM