​Puntland oo walaac ka muujisay NATO

Image

GAROWE- Warsaxaafadeed laga soo saaray shirka Todobaadlaha ah ee golaha xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay dagaalka kasocda qaybo kamid ah Puntland gaar ahaan waxa loogu yeeray duullaan ay soo qaadeen ururka Al-Shabaab.

Qoraalkan waxaa lagu sheegay in dowladda Puntland ka hortagtay isballaarsi wadeen kooxda Al-Shabaab, iyadoo dowladdu dhaliishay qaabka u wadashaqeeyaan Federalka iyo Puntland maadama sida war-saxaafadeed lagu xusay aysan jirin xog isweydaarsi ka dhaxaysa dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Dhinaca kale, waxaa xukuumaddu walaac ka muujisay shaqada xeebaha Puntland ka hayaan ciidamada North Atlantic Treaty Organization "NATO", waxaana lagu dhaleeceeyay inaysan wax ka qaban tallaabada xagjiriintu kusoo galeen xeebaha Puntland islamarkaana barriga ugu tallaabeen.

Waxaa sidoo kale xukuumadda Puntland ku baaqday in dagaalkan ka caawiyaan waddamada taageerada siiya Somali gaar ahaan Midowaga Afrika, Midowga Yurub iyo Maraykanka.

Kulnkan oo shir gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa waxaa shacabka loogu baaqay in dagaalka kooxahaasi uu yahay mid furan oo qof walba ka qayb qaadan karo iyadoo loo kala soocayn shacab iyo dowladda.

Arrintan ayaa timi kadib dagaal maalintii labaad galay uu u dhaxeeyo ciidamada Puntland iyo mallayshiyaad xiriir la leh kooxda Shabaab oo doonyo kasoo raacay xeebaha deegaanada Xarar dheere iyo Hobyo kuwaasi oo markii dambe soo gaaray deegaanada Garmaal iyo Garacad.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA PUNTLAND


GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM