Puntland: ​Qarax lagu fashiliyay magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Qarax Jugtiisa laga maglay guud ahaan magaalada Bosaso ayaa galabta ka dhacay xarunta gobolka Bari, kaasoo la dhigay goob aad u mashquul badan oo inta badan lag raaco baabuurta loo yaqaano PL-ka ee inta badan dadweynuhu isticmaalaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliisku ka war heleen qaraxan oo lagusoo qariyay daasad ka hor intuusan iskiis u qarxin sida ay GO u sheegeen saraakiil xog ogaal ah.

Booliiska ayaa ku wargaliyay qaybta qaabilsan Miino baarista inay hubiyaan weelka lagusoo qariyay miinadan, waxaana ay u xaqiijiyeen inay tahay waxyaabaha qarxa.

Hubin kadib ciidamada Booliiska gobolka Bari ayaa ku guulaystay inay xiraan nawaaxiga aaga Qaraxa la dhigay iyagoo shacabka uga digay inay usoo  dhawaadaan.

Qaraxan ayaa dhacay Galabta goor gaaban, mana  jirto wax khasaaro ah uu dhaliyay.

Sarkaal katirsan ciidamada Booliiska oo la hadlayay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in ciidamadu dedaal dheer ku bixiyeen sidii looga hortagi lahaa khasaaro kooxaha dhagax qabayaasha ah la doonayeen shacabka Bosaso.

Arrintan ayaa timid xilli Madaxweyne Gaas ku suganyahay magaalada Bosaso.

Dhowr jeer oo hore qarax ay gaysteen kooxaha Daacish iyo Shabaab ayaa ka dhacay xarunta gobolka Bari.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay caawa, waxaana socda baaritaano xooggan.

Ilaa hadda lama oga cidda qaraxa dhigtay goobtaas, balse waxaa lagu tuhmayaa mintidiinta ku sugan gobolka Bari ee xiriirka la leh Daacish iyo Al Qacida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM