Puntland: Qardho oo yeelatay sanduuq u gaar ah horumarinta magaalada

Image
Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siicid ayaa ka qayb galay kulanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku- xigeenka ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Dawladda Puntland Ayuub Cali Axmed oo ka mid ah wefdiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siicid ayaa ka qayb galay kulanka mashruuca daahfurka sanduuqa horumarinta degmada Dhahar.

Saciid oo madasha ka hadlay ayaa balanqaday inay kaalin mug'leh ka qaadan doonto horumarinta degmada ayna ugu horayso dhiraynta magaalada iyo ka shaqaynta biyo fariisatka degmada dhahar.

Wasir ku- xigeenka ahna kusimaha wasiirka ayaa ku amaanay gudiga ilaalinta deegaanka in loo doortay inay noqdaan isla gudiga horumarinta degmada dhahar taas oo muujinaysa hawl karnimadooda iyo kalsoonida ay bulshadu ku qabto.

Sidoo kale wasiir ku-xigeenka ahna kusimaha wasiirka ayaa balan qaaday in xuska maalinta deegaanka aduunka (World Environmental Day) ay sanad walba wasaaradu xusto lagu qaban doono degmada Dhahar ee gobolka Haylaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM