​Puntland: Qaylo dhaan Abaareed oo weli soo yeeraysa

Image

GAROWE- Xaalad abaar iyo biyo la'aan ayaa laga soo sheegayaa qaybo kamid ah gobollada Kar-kaar iyo Bari ee Puntland, waxaana waxgarad iyo mas'uuliyiin la hadlay Radio Garowe tilmaameen in xaaladdu adagtahay islamarkaana deegaano badan aysan weli roobsan.

Nuur Shire Cismaan Gudoomiyaha daladda ururrada aan dowliga ahay, ayaa isagoo ku sugan gobolka Karkaar gaar aah degmada deegaanka Kulule ee degmada Bayla Radio Garowe u sheegay inay mareen dhul ballaaran islamarkaana ku arkeen xaalad adag oo biyo la'aan iyo abaari ka jirto.

Shire, ayaa xusay inay jiraan meelo roob yar ka da'ay iyo goob biyo yari galeen, balse wuxuu intaasi raacshay inay isugu yimaadeen reer guuraagi sidaas darteed laga baqsanyahay in dadka iyo duunyadu halkaasi ku dhammaadaan.

Gudoomiyaha ayaa xusay inay wadaan biyo dhaamis.

Wararka sheegaya in Roobab ka da'een gobollada Puntland ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay isagoo sheegay in dhulka badi wali abaaryahay, wuxuuna dowladda iyo bulshadaba ka codsaday in xaaladdaasi loo istaago.

Dhinaca kale Nabadoon ku sugan gobolka Bari, ayaa Radio Garowe u sheegay inay jiraan xaalad adag meelaha qaybtood, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan jirin kaalmo dadkaasi la gaarsiiyay tan iyo markii la shaaciyay abaarta ka jirta deegaanada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM