Puntland: Radio Garowe oo 101 booyadooda gaarsiisay goobaha Abaartu ka jirto
GAROWE, Puntland- Warbaahinta Radio Garowe ee fadhigeedu yahay magaalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa wali wada barnaamijka loogu gurmanayo dadka tabaalaysan ee ku sugan deegaanada Puntland gaar ahaan kuwa abaartu saamaysay.
Barnaamijkan oo maalin kasta ka baxa Radio Garowe, ayaa dadka ku nool caasumadda waxay ku yaboohaan lacago loogu talo galay in dadkaas lagu caawiyo.
Guddoomiyihii hore gobolka Mudug, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay, ayaa arrintaas wada, waxaana lacagihii dadku soo direen biyo lagu gaarsiiyay dad iyo duunyo ku sugan qaybo kamid ah Sagaalka gobol ee Puntland.
Mudane Tigay, ayaa warsidaha GO u sheegay in 101 booyadood u biyo ah la gaarsiiyay meelaha ugu daran gobollada Puntland gaar ahaan goobaha ku muujisan qoraalka hoose.
10 November, 2016
1. Marrayo, Degmada Eyl 3-booyadood
2. Qarxis, Degmada Eyl 2-booyadood
3. Qundheer, Degmada Dan-goronyo 2-booyadood
4. Ceel-bu'h Degmada Dan-goronyo 2-booyadood
5. Higlo, Gobolka Karkaar 3 -booyadood
6. Daniin-boor, Gobolka Karkaar 1-fuusto oo shidaala
7. Xarka-dheer, Gobolka Sanaag 2-booyadood
8. Jiinacyo, Gobolka Sanaag, 2-booyadood
9. Gal-xagar, Degmada Jariiban 2-booyadood
10. Raydable, Degmada Jariiban 2-booyadood
11. Towfiiq, Gobolka Mudug 2-booyadood
Total: 24-booyadood + 1-fuusto oo shidaala
12 November, 2016
1. Xaaji ,Degmada Dan-goronyo 2-booyadood
2. Baarwayn Degmada Dan-goronyo 2-booyadood
3. Habar-shiro, Gobolka Sanaag 2 -booyadood
4. Ceel-magacle, Gobolka Sanaag 3-booyadood
5. Ceel-ballar , Degmada Eyl 3-booyadood
6. Xorre, Baargaal 3-booyadood
7. Galxagar, Degmada Jariiban 2-booyadood
8. Dhinowda-qoryowayn, Degmada Jariiban 2-booyadood
9. Il-foocshe, Degmada Jariiban 2-booyadood
Total: 21- booyadood
13 November, 2016
1. Suuj, Degmada Dan-goronyo 2-booyadood
2. Uusgure, Degmada Dan-goronyo 2-booyadood
3. Har-qabooje, Degmada Eyl 2-booyadood
4. Towfiiq, Gobolka Mudug, 2-booyadood
5. Xam-xamaa' , Gobolka Nugaal, 2-booyadood
6. Shaxda, Gobolka Kar-kaar 2-fuusto oo shidaala
7. Rakko', Gobolka Karkaar 1-booyadood
8. Gobod, Gobolka Nugaal, 2 -booyadood
Total: 13-booyadood + 3-fuusto oo shidaala
14 November, 2016
1. Dhahar, Gobolka Haylaan 3-booyadood
2. Isku-shuban, Gobolka Baro 3-booyadood
3. Eyl, Gobolka Nugaal 4-booyadood
4. Jiicanyo 2-booyadood
5. Dan-garoyo 2-booyadood
6. Falar-yaale 5-booyadood
Total: 19-booyadood
15 November, 2016
1. Saaxo 2 booyadood
2. Gal-xagar 3 booyadood
3. Dangoroyo 2booyadood
4. Karkaar 4booyadood
5. Xiingalool 5booyadood
6. Eyl 2booyadood
7. Buulal, Boocame 2booyadood
Barnaamijka, ayaa wali socda, waxaana qaar kamid ah dadkii biyaha la gaarsiiyay oo la hadlay Radio Garowe, u mahad-celiyeen dadka soo kaalmeeyay iyagoo dalbadan in deeqda intaas looga badiyo, maadama xaaladoodu tahay mid aad u adag.
GAROWEONLINE