Puntland: Radio Garowe oo $21 kun ku wareejisay Guddiga Gurmadka Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Idaacadda Madaxa bannaan ee Radio Garowe oo fadhigeedu yahay caasimadda Puntland, ayaa muddo kooban dhagaysatayaasheega ka aruurisay lacag gaaraysa 21 Kun oo dollar oo loogu talo galay dadkii ku waxyeelloobay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Is-goyska Zoobe.

Deeqdan ayaa farta laga saaray guddiga gurmadka gobolka Nugal gaar ahaan Guddoomiyahooda Sheekh Maxamud Xaaji Yusuf, waxaana ku wareejiyay Cabdirasaaq Maxamed Xayir iyo Yacquub Maxamed Cabdalla oo wakiil ka ahaa maamulka iyo boorka sare ee Radio Garowe, kadib xaflad lagu qabtay Jaamacadda Bariga Africa.

Ku simaha Agaasimaha Radio Garowe Cabdirasaaq Maxamed Xayir, ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horaysay oo Radio Garowe si mutadawacnimo ah uga shaqayso barnaamijyadan oo kale.

"Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan cid kasta oo wax la baxday si gaar ah waxaana u xusayaa, walaalaha reer Garowe ee dhagaysta Fm-ta 89.5. Guddigan waxaa rabaa inaan u sheego inaysan ahayn markii ugu horaysay oo aan ka shaqayno barnaamijyo khayriya, sannadkan ayay ahayd markii aan Masaajidka Raxma dhismihiisa lacag uga arurinay Radio Garowe, sannadkii hore sidoo kale waxaan arurinay lacag lagu galiyay Mukayfyo masaajidka Saxaaba ee Garoowe, sannadkii ka horeeyay sidaas oo kale ayaan ugu gurmanaynay masaajida, waxaan sidoo kale xusayaa in Radio Garoowe ay door ku lahayd gurmadkii Dufaantii ku dhufatay Puntland." Ayuu yiri Xayir oo intaas ku daray, "Waxaan rabaa inaan u sheego dowladda iyo shacabka Puntland in Radio Garowe il gooni ah lagu eego oo aan lala simin warbaahinta kale."

Dhinaca kale Yacquub Maxamed Cabdalle oo daadihiye ka ahaa Barnaamijka Gurmadka ee Idaacadda ayaa sheegay in arrintan tahay wax lagu farxo oo ku dayasho mudan, isagoo ALLE uga baryay dadka wax la baxay inuu meel wanaagsan u geeyo.

"Falisyo yar yar oo aan isu geeynay ayaa lacagtaas ka dhalatay, waa mahad EEBBE dadka ree Garowe iyo kuwii Facebook inagala socday ayaana abaal u celinaynaa." sidaas waxaa yir Yacquub.

Sheekh Maxamud Xaaji Yusuf oo kaalmadan ka guddoomay Radio Garowe ayaa tilmaamay in lasoo gaarsiiyay lacag dhan $21 [Kow iyo Labaatan kun oo dollar], isagoo mahadcelin u jeediyay Idaacadda oo uu xusay inay hormuud u tahay bahda warka faafisa ee ka howl gasha deegaanada Puntland.

Radio Garowe ayaa ahayd xaruntii ugu horaysay ee laga bilaabo deeqda ka socota gobolka Nugal, waxaana bilowgeedii kadib ku baraarugay dowladda, shacabka iyo dhalinyarada kuwaasoo hada wada gurmadyo kala duwan.

Garowe Online ayaa Idaacada Radio Garowe ka caawiney in barnaamijyadeeda ku baahiya baraha bulshada halka wararka lagu daabaco bogga Warsidahaan si joogta ah u soo gudbinayey wararka la xiriira Gurmadka.

GAROWEO ONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM