​Puntland: Saldhigyo Shabaab leeyihiin ayaan bur-burinay

Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- War kasoo baxay taliska ciidamada PSF-ta Puntland ee ku sugan buuraha Galgala ee gobolka Bari, ayaa lagu sheegay inay weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab.

Weerarka oo la sheegay inuu subaxnimadii hore ee Isniintii (19 June, 2017), ka dhacay buuraha Calmadow ayaa lagusoo waramayaa inuu ka dhashay khasaaro xooggan waloow aan la baahinta xogta ku aadan dhimashada iyo dhaawaca dagaalkaas kasoo gaaray Al Shabaab.

“Ciidamada Amniga Puntland (PSF)  waxay saaka 19 June, 2017 weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyada ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow,Puntland” ayaa lagu yiri qoraalkaas oo lagu baahiyay barta ciidamadaasi ku leeyihiin Facebook.

Sawirro iyo qoraal kasoo baxay PSF-ta Puntland, ayaa lagu yiri in howlgalkaas u dhacay qaabkii loogu talo galay islamarkaana la bur-buriyay saldhigii kooxdaas ay ku lahaayeen Cal-madow.

“Weerarkan ay ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen goobahaas ayaa waxay ugu geysteen cadowga Al Shabaab khasaare xooggan oo iskugu jira dhaawac iyo dhimasho; waxayna ku burburiyeen saldhigyo ay ku dhuumaystaan cadowga Al Shabaab oo ku yaal Buuraha Cal Madow” ayaa la sii raaciyay qoraalkaas.

Arrintan ilaa hadda kama hadlin xukuumadda Puntland, balse waxaa lagusoo beegay maalmo kadib markii Guddi wasiirro ah tageen buuraha Galgala iyagoo la kulmay ciidanka difaaca.

Ciidamada Puntland, ayaa la galiyay heegan buuxa tan iyo markii weerar lagu qaaday Saldhigii Daraawiishta ee Af-urur.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM