Puntland: Sarkaal Ka tirsan wasaarada Qorsheynta oo Galkacayo lagu diley

Image

GALKACAYO, Puntland- Magaalada Galkacayo gobolka Mudug ayaa caawa fiidkii dabley hubeysan waxa ay toogasho ku dishey isu duwihii gobolka ee wasaarada Qorsheynta Iyo xiriirta caalamiga ah Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in AHN Cabdulahi Maxamad Farax lagu diley xaafada Garsoor ee magaalda Galkacayo abaarihii 7:30 fiidnimo.

Dilka isu duwaha ayaa imaanaya kadib markii bilowgii Bisha Ramadan magaalada Galkacayo lagu diley gudoomiyahii ururka Haweenka AHN Dhudi Aadan.

Amaanka magaalada Galkacayo ayaa aad looga dayrinayaa iyadoo dadweynaha ku nool Cabsi ka qabaan dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo dadka Hal doorka ah.

Xukuumada Puntland ayaa Weli qaadin talaabooyin rasmiya oo ay ku sugeyso amniga magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM