Puntland: Sarkaal lagu dilay magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Kooxo hubaysan ayaa xalay ku dilay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Puntland islamarkaana kamid ahaa ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne Gaas.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Cabdiraxmaan (Gaandi), waxaana la weeraray waqti uu ku sugnaa gudaha magaalada.

Kooxo ku hubaysnaa Bastoolado ayaa dilka marxuumka ugu gaystay Galkacyo, kuwaas dhowr xabadood ku dhuftay kahor intuusan ku geeriyoon goobta.

Dablayda ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana goordambe gaaray aagaas ciidamada ammaanka oo sameeyay baaritaano kala duwan.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda falka lagu dilay sarkaalkaas katirsanaa Madaxtooyada magaalada Galkacyo.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda iyo maamulka gobolka Mudug.

Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa hagaagsanayd muddooyinkii dambe, waxaase horay u jiray weeraro lagu dilay shacab iyo mas’uuliyiin oo ka dhacay sannadkii hore Waqooyiga Galkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM