Puntland: Shacabka oo si qiiro leh uga hadlay weerarkii Zoobe

Image

GAROWE, Puntland- Wali waxaa gudaha Soomaaliya ka socda gurmadka iyo tacsiyaynta laga samaynayo weerarkii Sabtidii hore ka dhacay Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Shir ka dhacay magaalada Garoowe ayaa tacsiyayn loogu sameeyay shacabkii ku dhibaatoobay weerarkii Muqdisho, waxaana qaar kamid ah shacabkii ka hadlay ay sheegeen inay ka xunyihiin masiibadii dhacday 14 bishan.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda, isimada, waxgarad iyo haween ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo madaxdooda loogu baaqay inay sameeyaan isku duubni iyo midnimo si looga gudbo falalka amni darro ee dalka ka socda.

Si gaar ah waxaa xubnihii hadlay farta ugu fiiqeen dowladda Puntland iyo shacabkeeda oo ay ka dalbadeen inay ilaaliyaan amnigooda.

Guddoomiyaha gobolka Nugal Cumar Faraweyne oo xafladda ka hadlay ayaa taageero u muujiyay shirkii ka dhacay Kismaayo, isagoo qodobadii kasoo baxay ku macneeyay kuwo dhaxal gal u ah midnimada shacabka Soomaaliya.

Dadkii kasoo horjeestay ayuu tilmaamay inay yihiin kuwo ku cusub siyaasadda Soomaaliya oo aan fahamsanayn faa’iidada ay leedahay midnimada isagoo intaas raaciyay in waddanku Federaal yahay oo maamulladu ka tashan karaan midowgooda.

Faraweyne ayaa sidoo kale tilmaamay in amniga laga shaqeeyo oo loo istaago sidii loo noqon lahaa dad ilaashada xasiloonidooda.

Dhinaca kale shacabka Garoowe ayaa wada gurmad xoog leh, waxaana shacabkii ku dhibaatoobay qaraxii Zoobe loo aruurinayaa lacag si wax loogu qabto.

Halkan ka daawo Muuqaalka 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM