​Puntland si kulul uga hadashay falkii lagu dhaawacay Taliye Saxardiid [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Cabdulqaadir Shire Faarax (Ereg), ayaa sheegay in la aqoonsaday cidda ka danbaysa dhaawicii Saaka loo gaystay magaalada Bosaso Taliye ku-xigeenkii Saddaxaad ee ciidanka Booliiska Jaamac Saxardiid.

Erag ayaa tilmaamay in weerarka Sharwadayaashu ku qaadeen Gaashaanle Sare Saxardiid uu ka bogsan doono islamarkaana xaaladiisa caafimaad la tacaalayaan dhaqaatiirka magaalada.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay in Mas'uul la dhaawaco  aysan waxba u dhimi karin Amniga Puntland,isagoona intaas ku daray in kuwa falalka xasilooni darrada ah kawada magaalada soo gali doonaan gacanta ciidamada sharcigana la gayn doono.

“Kuwa ku howlan falalka amniga lidka ku ah ee Puntland ku sugan,ha ogaadaan sharciga ayay maalin hor imaandoonan waana laga xisaabindoona danbiyada ay dalka ka galayaan,wey ogyihiin casharadii aan horay ugu dhignay hadana waan u labo jibaarayna,” Ayuu yiri Jeneraalku.

Dhinca kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Erag ayaa Waaladiinta ilmahooda ay khaldan sharwadayaashu uga digay in dhallaankooda la adeegsado falal xun,isagoona ugu baaqay in Culimada Soomaaliyeeddadka uga waramaan Argagixisada iyo diintu waxay ka qabto.

“Sharwadayaasha kuwooda waaweyn iyagu isma qarxiyaan,waxna ma dilaan laakiin waxay so khaldaan carruur yar-yar ah oo sun ku so dureen,waalidiintu waa inay ilamahooda ceshtaan intaysan gacanta sharciga galin,ciidamaduna gacanta ku so dhigin," Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Ereg.

Ugu danbaytii Taliyaha Booliska Puntland ayaa Shacabka ugu baaqay in ay amniga ka qayb qaatan,isagoona xusay in boolisku ay yihiin shaqaalaha shacabka diyaarna u yihiin inay mar kasta u adeegan bulshada.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii maalin cad meel fagaaro ah lagu dhaawacay mas'uul katirsan ciidanka Booliiska kaasoo hadda lagu dabiibayo xarunta gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

 Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

  • Puntland

    25-01-2025

  • 06:01PM

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM