Puntland: S. M. Raage "Dekedda Boosaaso cidna uma xirna" [Dhagayso]

Image

GAROOWE, Puntland- Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gaadiidka Badda ee Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa beeniyay warar sheegaya in dekedda Boosaaso ay xirnayd maalmahan kadib markii lacag lagusoo kordhiyay dadkii wax kala soo degi jiray iyo doonyaha kusoo xirta.

Raage oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay in dekeddu aysan u xirnayn cid gaara, balse ay jirtay kala aragti duwanaan ka dhalatay Ascaarta la qaadayo maadama lasoo kordhiyay qalab lagu hubinayo tayada badeecooyinka, arrintaasna laga heshiiyay.

Ganacsatada ayuu ku eedeeyay inay raadinayaan mashaakilaad uusan cadayn waxa ay tahay.

"Ganacsatada ayaa moodaa inay raadinayaan mashaakilaad qofkii nimcada haystay maaha inuu ku cayaaro, anaga saxaafadda ayaan ka hadalnay waanu sheegnay inaysan dekeddu xirnay, waxna la kordhin, umaddana waxba lagu kordhin hay'addii la wareegtayna ilaa hada aanay wax kordhin." sidaas waxaa yiri Siciid Maxamed Raage.

Wasiirka ayaa digniin u jeediyay gaadiidlayda iyo ganacsatada, wuxuuna ugu baaqay inay u turaan shacabkooda.

"Waxaan u digayaan ganacsatada iyo gaadiidlayda oo aan leeyahay dadkiina u tura, waxaana sidoo kale idiin sheegayaa in dekeddu aysan xirnayn, cidna u xirnay, wax lasoo kordhiyayna aysan jirin." ayuu wasiirku hadalkiisa kusii daray.

Siciid ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshahan ay wadaan ganacsato ay ku dhex jiraan dad kale isagoo intaas ku daray inay kulan isugu yimaadeen oo ay kawada hadleen arrintaas.

"Waxaan wada kulanay ganacsatada waxa kaliya ee aan u sheegnayna waxay ahayd inaan u sheegno in dekedu furantahay oo ay dadka usoo dejiyaan badeecooyinkooda."

Shirkadaan lagu sheegey iney baareyso cuntada ayaa waxaa iska leh ganacsato sharciga Dowlada hadda talada haysa ugu hiileysay iyadoo Wararka qaar xusayaan in Wasiirka Ganacsiga Puntland qayb ka yahay howshaan bilowgeeda.

Hadalka ayaa kusoo beegmay xilli la isla dhex-marayay warar sheegaya in la kordhiyay lacagtii laga qaadi jiray ganacsatada iyo doonyaha iyagoo eeda saaraya shirkadii la wareegtay P&O port.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM