Puntland: Taliye ka hadlay gaariga madaxweyne ku-xigeenka laga dhacay

Image

GAROWE- Waxaa asbucii la soo dhaafey waxaa soo baxay  warar sheegaya in la dhacay gaari madaxweyne ku-xigeenka Puntland leeyahay kaasi oo lala galay dhinaca maamulka Somaliland.

Gaarigan ayaa waxaa dhacay sida wararku sheegayaan darawelka Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

Xogta uu Wasidahah Garowe Online, ka helay saraakiil katirsan laamaha amniga  ayaa sheegaya in gaariga la dhacay kamid ahaa labo baabuur oo hay'adda IOM ugu deeqday laamaha amniga Puntland, waxana mid kamid ah qaatay madaxweyne ku-xigeenka.

Iyadoo ilaa hadda la garan waayay qaabka loo dhacay, ayaa suura gashay in laga kaxeeya magalada Garowe islamarkaana lala aado Gobolka Sool, waxaana markii dambe gacanta ku dhigay maamulka Somaliland, waxaana qabashadiisa iska kaashaday, wasaaradda amniga Puntland iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo soo wareejiyay, waxaase lagu guul darraystay in lasoo wareejiyao darawalkii dhacay gaariga oo hor-istaageen qabiilka uu kasoo jeedo.

Dhacadadan, waxaa ka hadlay oo beeniyay Taliyaha ciidamada Boliiska Puntland Cabdirasaaq Maxamud Afgaduud oo shir jara'id warbaahinta ugu qabtay magalada Garowe caasumadda Puntland, wuxuuna sheegay in gaarigaasi lahaayeen ciidmada Boliiska.

Arrinta la yaabka leh ee la isweydiiyay ayaa ah sida uu darawalka kaligiis gaarigan ugala baxay guriga madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyada oo aysan la socon ciidamadiisa ilaalada gaarka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM