Puntland: Taliyaha Booliiska oo xilka la wareegay [Dhagayso]

Image

GAROWE- Taliyaha KMG ah ciidanka Booliiska Puntland, Sarreeye guuto Cabdulqaadir Farax Shire (Ereg), ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay taliyihii hore Gen. Cabdirasaaq Maxam (Afgaduud), kadib munaasabad lagu qabtay xarunta dhexe ciidanku ku leeyahay magalada Garowe.

Munaasabadda xil wareejinta, waxaa kasoo qayb galay guddoomiyaha gobolka, taliyaha qaybt Booliiska gobolka Nugal iyo saraakiil kale.

Taliyaha xilka wareejiyay Cabdirasaaq Afgaduud, ayaa madasha kusoo bandhigay waqabadkiisa mudadii uu jagadan hayay, wuxuuna caddeeyay inuu isbadal xooggan ku sameeyay ciidanka Booliiska islamarkaana u sameeyay tababarro xooggan.

Afgaduud, ayaa xusay inuu la wareegay ciidan tiradooda ahayd 3755 [Saddex kun, Todoba boqol, Kontan iyo Shan kun], haattana uu wareejinayo ciidan gaaraya 3525, isagoo tilmaamay in tiradaasi ku hareen isbadalka ciidanka lagu sameeyay.

Wasaaradda maaliyadda Puntland, gaar ahaan wasiirka iyo ku-xigeenkiisa ayuu ku dhaliilay inay ogaan waayeen tirada ciidamada ay dhimeen isagoo carrabka ku dhuftay inay wali miisaaniyadoodu taallo wasaaradda.

Afgaduud, ayaa sheegay inay jiraan sarakiil wax ka tabanaysa, balse wuxuu codsaday in la isa saamaxo maadama wadashaqayntii ka dhaxaysay ay dhammaatay.

Wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay xilka qaadista lagu sameeyay, isagoo u hambalyeeyay taliyaha cusub, oo uu ka dalbaday inuu hormarka halkaas kasii wado islamarkaana uu diyaar u yahay inuu la shaqaynayo.

Dhinaca kale taliyaha cusub ee xilka la wareegay Ereg, ayaa ka mahadceliyay isbadalka uu sameeyay taliyihii hore, isagoo xusay inuu marag ka yahay maadaama uu saddexdii bilood ee ugu dambeeyay isagu kula shaqaynayay ku-xigeen, wuxuuna ballan qaaday inuu halkaasi kasii wadi doono, inkastoo uu sheegay inay tahay xil culusu oo dusha laga saaray.

Wuxuu xusay inay saxiixeen hal warqad oo lagu muujiyay tirada ciidamada, isagoo xusay in qof walba mas'uul ka noqon doono waxa uu gacanta ku hayo.

Laamaha ay wadashaqayntu kala dhaxayso, ayuu ka dalbaday inay ka qayb qaataan sidii loo dardargalin lahaa hormarinta ciidanka, isagoo xusay in ciddi taageero siisa uu uga abaalgudi doono.

Xil wareejinta ayaa labo goor oo hore baaqatay, kadib markii labada General isku fahmi waayeen daymo badan oo ciidanka Booliiska ku qornaa, balse waxaa la sheegay in arrintaasi xal laga gaaray, kadib markii loo bandhigay madaxweyne Gaas.

Gen. Afgaduud, ayaa xilkaasi loo magacaabay bishii Auguosto 2015, waxaana xilka qaadistiisa sabab u ahayd kadib markii gacan hadal dhexmaray isaga iyo taliyaha ciidanka birmadka Puntland Afdalow, taasoo keentay inuu dhaawacmo wasiirka amniga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM