Puntland: Taliye Gorod oo booqanaya xerada 54aad

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdiweli jaamac Xuseen(Gorod) oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe ayaa saaka booqanaya xerada ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54aad.

Gorod ayaa la kulmaya ciidamadii Puntland ku wareejisay dowladda dhexe islamarkaana loo qorsheeyay inay kamid noqdaan ciidamada dalka kuwaasoo gaaraya 2,400 oo Askari.

Waxaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo isagoo u faah faahin doona qorshaha laga leeyahay isku dhafka ciidamada iyo qaabka ay u wada shaqayn doonaan.

Warar GO ka helayo xeradaas ayaa sheegaysa inay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga ka socday dowladda Federaalka.

Socdaalkan waxaa ku weliya Taliyaha saraakiil katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo ciidamada xoogga dalka.

Waa markii ugu horaysay ee uu yimaado Puntland taliye Gorod tan iyo markii dhawaan laga dhigay taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya, wuxuuna yimid kadib markii 2 todobaad ka hor Puntland wareejisay ciidamo ay sheegtay inay kamid noqon doonaan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana hadda kadib ay wixii xuquuq ku leeyihiin dowladda dhexe.

Waqtigii la wareejinayay waxaa goob joog ahaa, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa shalay u tagay ciidamada 54aad Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo saraakiil ka socotay hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqaynaya isku dhafka ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM