Puntland: TPEC oo kordhiyay waqtiga furashada ururada Siyaasadda

Image

GAROWE, Puntland- Shir saxaafadeed ay maanta ku qabteen magaalo madaxda Puntland ee Garoowe xubnaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), siyaadiyeen waqtiga furashada ururada siyaasadda si looga gudbno nidaamka qabaliga ah ee hadda xukunka Puntland saldhiga u ah.

"Guddiga Doorashooyinka KMG ah isagoo tixgelinaaya baahida loo qabo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan wuxuu fursad siinayaa dadka leh himilooyinka siyaasadeed, Guddiga Doorashooyinka KMG ah wuxuu isla qaatay in la kordhiyo mudada diiwaan gelinta urrurada siyaasada Puntland." ayaa lagu yir shir saxaafadeedka Guddiga.

Xoghayaha TPEC, Liibaan Saalax Maxamud (Gegiroor) oo warbaahinta u akhrinayay qoraalka kasoo baxay Guddiga ayaa yiri, "Hadaba laga bilaabo manta oo taariikhdu tahay 15/Octobar/2017 Guddiga KMG ah ee Doorashooyinku wuxuu kordhiyey mudada diiwaan gelin urrurada siyaasada Puntland taas oo laga dhigay waqtiga bilaabmaya 15/Octobar/2017 kuna eeg 31/December/2017."

Guddiga ayaa sidoo kale baaq u diray siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland iyagoo ka dalbaday inay furtaan axsaab siyaasadeed si looga gudbo nidaamka qabiilka.

"Hadaba si looga gudbo nidaamka qabaliga ah looguna gudbo nidaamka xisbiyada badan waxaan ku boorinaynaa siyaasiyiinta iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada reer Puntland in ay furtaan urrurada siyaasada si aynu uga guurno nidaamkan qabaliga ah uguna tilaabsano doorasho hal qof iyo hal cod."

TPEC, ayaa sidoo kale cadeeyay inay ilaa hadda la furay hal urur siyaasadeed islamarkaana ay jiraan kuwo kale oo jirka kusoo jira iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay hirgalinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.

"Ugu dambayntii waxa aan idin la wadaagynaa in ilaa hada lagu dhawaaqay urrur siyaasadeedkii ugu horeeyey hadana ay jiraan kuwa kale oo soo socda si ay u noqdaan urruro siyaasadeed, Sidaa darteed waxa aanu mar kale fursad siinaynaa cid kasta oo danaynaysa furashada urruro siyaasadeed laga bilaabo 15/Octobar/2017 ilaa 31/December/2017, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland waxa uu mar kale bulshada Puntland ugu yeerayaa in qof kasta uu qaato doorkiisa ku aadan in Puntland ay ka hir gasho nidaamka xisbiyada badan." ayaa lagusoo xiray shirka jaraa'id ee Guddigaas.

Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka Puntland, Maxamed Soofe Xasan ayaa wariyaasha u sheegay in guddigu dedaal ugu jiro sidii nidaamka loo dar-dargalin lahaa islamarkaana shacabka loo gaarsiin lahaa dimuqraadiyad.

Waa markii Labaad oo guddiga kordhiyo si loo furto ururo siyaasadeed, waxaana arrintan timid markii ay is-diinwaligalin waayeen ururadii la doonayay si ay u noqdaan axsaab siyaasadeed oo hormuud u noqda hirgalinta nidaamka Puntland raadinayso kaasoo loo arko in lagu gaari karo doorasho qof iyo cod ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM