Puntland: Wariye Cumar Dheere oo Garowe lagu xiray

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa caawa xabsiga u taxaabey Wariye Cumar Maxamed (Cumar Dheere) oo sidoo kale kamid ahaa Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP.

Wariyaha ayaa loo gudbiyay xabsi ku yaalla Kantaroolka magaalada ee dhinaca Koonfureed kaasoo dhawaan lagu xiray wariye Madax bannaana.

Majirto waaran maxkamadeed oo ciidamo wateen marka la xiryay sida uu GO u sheegay mid kamid ah dadkii goob jooga ka ahaa waqtigii la xirayay.

Cumar Dheere ayaa maalin kahor bartiisa Facebook kusoo qoray warbixin Kooban oo uga hadlayay cida mas'uulka ka ah dhibaatada lacageed ee dalka iyo sidoo kale hadal hayska dowladda ee ah qofkii diida waa Al Shabaab.

Cumar oo sidoo kale aad wax uga qorayay arrinta muranka ka taagan lacagta ayaa saacado ka hor inta aan la xirin bartiisa Facebook ku qoray isagoo soo xiganaya mudane katirsan Barlamanka Puntland qoraalka hoose.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay arrintan oo muddooyinkii dambe ku kacaysay xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiwali Gaas taasoo Ololihii doorashadii 2014 ku gashay inay ilaalinayso xuquuqda Hadalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM