Puntland: Wariye lagu xiray Boosaaso

Image

BOSAASO, Puntland- Ciidamada ammaanka gobolka Bari ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Cumar Maxamed Siciid (Cumar Dheere) oo kamid ah saxafiyiinta ka howlgala Puntland.

Wariyahan ayaa la xiray isagoo ku sugan Garoonka diyaaradaha Boosaaso isago sida la sheegay u tagay shaqo.

Lama oga sababta loo Xiray Cumar Dheere oo muddooyinkii dambe is-maandhaaf kala dhaxeeyay xukuumadda Madaxweyne Gaas hogaamiyo.

Warar ayaa sheegaya in Suxufigan uu u xiranyahay Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yusuf Maxamed Wacays (Dhado).

Dowladdu kama hadlin xariga Cumar Dheere, balse Guddoomiyaha gobolka Bari oo lagu eedaynayo inuu Xabisay Wariyahan ayaa iska fogeeyay arrintaas.

Dhedo ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay in Cumar Dheere lagu xiray Waaran Maxkamadeed oo dowladdu soo dacweysay.

Maaha markii ugu horaysay ee Cumar Dheere Xabsi la galiyo Sannadkan 2017 iyadoo bishii August lagu xiray Garoowe inkastoo Maxkamadda Darajada koowaad ay kusii daysay dammaanad Lix bari kadib iyadoo aan Maxkamad lasoo taagin.

Xariga iyo sii daynta noocaan ah ayaa muddooyinkii dambe caado ka noqotay Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM