Puntland: Wasiir kasoo horjeestay xiriirka loo jaray Iran

Image

15 January, 2016(GO)-Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobollada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji (Gurxan), ayaa kasoo horjeestay go'aanka xiriirka loogu jaray dowladda Iran oo lagu eedeeyay arrimo kusaabsan shiicaynta umadda Somalia.

Gurxan ayaa tilmaamay inaysan meesha oollin sabab loo jari karo calaaqaad labo waddan ka dhaxeeyay, wuxuuna khalad ku tilmaamay arrinta dowladda Somalia ku dhaqaaqday, isagoo xusay inaysan munaasab ahayn maxkamadayn qof qaatay madhabta Shiicada qaatay.

Wasiirka ayaa ku andacooday inay jiraan urur diimeedyo badan oo kajira Somalia kuwaasina ay kadhib iyo khatar badanyihiin kooxaha faafinaya Shiicada, wuxuuna xusay in qofkasta u madaxbanaanyahay fikirkiisa una taallo isaga iyo ILLAAHA abuurtay.

Waa markii ugu horraysay masuul katirsan dowladda Puntland khalad kutilmaamo go'aanka dowladda Somalia xiriirka ugu jartay waddanka Iran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM