​Puntland: Wasiirrada Cusub oo la dhaariyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka goobjoog ka haa munaasabad lagu dhaarinayey  qaar kamida Wasiirrada cusub ee uu dhowaan magcaabay.

Xubnaha cusub ee la dhaariyay ayaa kala ahaa; Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo DhaqankaCabdiraxmaan Barkhad Warsame, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore), Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Cabdiweli Maxamed Yuusuf iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Munaasimada dhaarinta Wasiiradda ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Xaaji Nuur iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dawladda Puntland.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarinta kadib la dar-daarmay Wasiirrada cusub isagoo ka dalbaday inay ka shaqeeyaan sidii loo hirgalin lahaa siyaasadda dowladda.

‘’ Waad dharateen oo kitaab ayaad marten, waxaadna u dhaarateen inaad dadka iyo dalkaba si daacad nimo ah ugu shaqaysaan, maanta waa maalin ka duwan maalmaha kale waayo idinkoo sooman ayaad Kitaab marteen, waxaa laydin ka rabaa dhartaa inaad ka soo baxdaan, waxaan filayaa dhammaanteen dhalin yaraatihiin marka laga reebo Wasiir Barkhadle, waxaan rabnaa in dhalinyaradu dalka u shaqeeyaan oo wixii ay soo barteen dalka ugu shaqeeyaan,’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Wasiirada cusub inay si daacad ah ugu shaqeeeyaan shacabkooda, isla markaana ay markasta ka fekeraan sidii ay u horumarin lahaayeen bulshadooda iyo shaqooyinka baaxadale ee loo igmaday, waxaana uu ku adkeeyey inay had iyo jeer noqdaan kuwo metela shacabkooda, kana shaqeeya siyaasada dawladda.

‘’Dawladda nimada iyo wasiir nimadu maha qofku in xafiis keliya ka shaqeeyo waxaa la rabaa inaad siyaasada dawladda ka shaqaysaan, barnaamijka iyo hadafka siyaasadeed ee dawladda inaad fulisaan baa laydin ka rabaa qof walbi dhul iyo degaan buu ka soo jeedaa waxaadna kamid noqon doontaan metelayaasha dawladda, waxaa laydin ka rabaa shaqadiina inaad sifiican u gudataan, xilkiina la wareegtaan, hawl gashaan, hore u socotaan Insha Allah hadii Illahay yidhaahdo,’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland .

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Gargaarka Puntland oo su’aallo laga waydiiyay ka hortagga abaaraha

Marwo Ubax ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:17AM

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland oo hortagay baarlamaanka

Xildhibaannada ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka iyo dimuqraadiyada.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:13AM