​Puntland: Xafladda Wareejinta Dekedda Boosaaso oo socota

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Munaasabad lagu wareejinayo dekedda Boosaso ayaa hadda ka socota magaalada ganacsiga ee xarunta u ah gobolka Bari magaalo madaxda ganacsiga Puntland.

Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo dekedda ayaa sheegaya in munaasabadda wareejinta ay goob joog ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland iyo shirkadda maamuli doonta dekedda ee P&O Port.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana sidoo kale si caadiya u shaqaynaysa dekedda iyadoo munaasabadda lagu qabanayo qaybta Negfish.

Sidoo kale waxaa hoolka xafladda jooga nabadoono, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Muddo soddon sano ah ayaa P&O Port maamuli doontaa Dekedda Boosaaso iyadoo ku samayn doonta Ballaarin, Dib u casriyayn islamarkaana la jaanqaad siin doonta dekedda caalamiga ah.

Hadda waxaa ganacsato ka cabanayaan in dekedda aysan kusoo xiran karin Maraakiib waaweyn sababo ay ku sheegeen in ciid soo buuxisay xeebta iyo goobihi ay istaagi jireen gaadiid badeedka shixnadda halka aysan gabi ahaanba badeecada ku jirta Container aysan imaan karin Puntland taasoo ganacsatada u isticaamaasho dekada magalaada Berbera.

Heshiiskan oo uu qalinka ku duugay Madaxweyne Gaas sannadkan dhexdiisa ayaa ku kacaya Adduun lacageed oo gaaraya 336 Milyan oo doollar.

Goor sii horaysay Wareejinta dekedda Boosaaso Madaxweyne Gaas ayaa ku tilmaamay guul usoo hoyatay shacabka Puntland isagoo ugu baaqay inay soo dhaweyaan fursaddan dahabiga ah ee ka qayb qaadanaysa hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Dekada Berbera ayaa waxaa sidoo kale maamulka doonta shirkada DP world halka dekada magalaada Muqdishu ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Faah faahinta warkaas dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa Haddii ALLE idmo

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM