Puntland: Xarumaha ganacsiga magaalada Bosaso oo xiran

Image

Jan 6, 2015 (GO)- Magaalada Bosaaso ayaa waxaa xiran maanta dhamaan xarumaha ganacsiga iyo dekada kadib markii xukuumada madaxeyne Gaas cashuur ku kordhisay qaar ka tirsan badeecadaha kasoo dega dakada.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in dekada Bosaso gabi-ahaanba saaka ganacsatada wax kala dagin waxaana taasi saameyn ku yeelatey dhamaan dhaqdhqaaqa magaalada ganacsi ee magaalada.

Xukuumada madaxweyne Gaaas ayaa kusoo rogtey cashuuraha qaar ka tirsan badeecadaha kasoo daga dekada taasi abuurtey muranka u dhexeeya ganacsatada iyo wasaarada maaliyada.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan wasaraada maaliyada kulan ku leeyihiin rugta gancsiga Bosaso kaaoso looga wada xaajoonayo arrimaha soo kordhey.

Mudaharaadka ganacsatada Bosaso ku joojisay dhaqdhaqaaqa dekada iyo dukaamada ayaa kusoo beegmeysa safar madaxweynaha dowlada Puntland ugu ambabaxey gobolka barri saaka.

Madaxweynaha Puntland ayaa saaka ka ambabaxey magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe isaga oo ku sii jeeda magaalada Bosaso halkaasoo laga furayo garoonka diyaardaha ee cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM