​Puntland: Xoolo dhaqatada ku sugan Bari oo ka cabanaya Shabaab iyo Daacish

Image

GAROWE, Puntland- Kooxaha katirsan Al Qacida iyo Daacish ee ku sugan gobolka Bari, ayaa dhibaato ku haya dadka reer guuraaga ah ee dagan nawaaxiga degmada Qandala sida ay Radio Garowe u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Reer Guuraaga ayaa ka cabanaya kooxahan oo ay sheegeen inay xoog ku qaadanayaan Xoolaha intooda hilibka leh.

Mallayshiyadan ayay tilmaameen inay baaritaan kuwadaan dadka halkaas ku sugan iyo qofkii ka yimaada tuulooyinka iyagoo sidoo kale u diidaya inay ka cabaan ceelasha biyaha sida ay noo sheegeen qaar kamid ah xoolaha dhaqatada ku sugan degmada Qandala iyo hareeraheeda.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo magaciisa u qariyay sababo amni ayaa dowladda ka codsaday inay kasoo gaarto mallayshiyaadkaas oo uu ku tilmaamay “Bahalo”, isagoo xusay inay xukuumadda ka gacan siinayaan wixii macluumaad ah ee la xariira howlgalka ka dhanka ah kooxdaas.

Ninkan ayaa sidoo kale tilmaamay in lagu dhibaateeyo dowladda ayaa la shaqaysaan iyo waxaad ka qayb qaadataan dagaalka lagula jiro kooxahaas, sida uu hadalka u dhigay.

“Niman bahaloobay weeye, Sideed Sidee iyo Toban Toban ayay noogu yimaadaan, waxayna na weydiiyaan ciidamada ku sugan gobolka Bari,” Ayuu yiri mid kamid ah reer guuraaga ku sugan nawaaxiga Qandala.

Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay inaysan lahayn awood ay isaga difaacaan, balse diyaar u yihiin hadii dowladdu ka saarayso gobolka inay taageeraan maadama ay yihiin muwaadiniin u dhashay dalka.

Baaqan ayaa soo baxay xilli kooxaha ku jira Buuraha gobolka Bari ay dhibaato ku hayaan shacabka, xilli dhawaan weerar ka gaysteen deegaanka Af-urur oo ay ku dileen ciidamo katirsan Daraawiishta.

Xukuumadda ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay soo af-meeri doonto dagaalka daba dheeraad ee lagula jiro Shabaab iyo Daacish inkastoo qorshahaas uusan wali hirgalin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM