Puntland:Xukuumadda oo shacabka u digtay

Image

GAROWE, Puntland- Hadal kasoo yeeray wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, ayaa loogu digay shacabka qaybihiisa kala duwan xilli lagu jiro abaar baahsan oo ka taagan guud ahaan Somalia.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa warbaahinta u sheegay inay laga maar-maan tahay sidii la isaga ilaalin lahaa dhib kasta oo shacabka soo gaaray waqtigan.

Isagoo ka hadlay cudurrada ka dhalan karta abaarta ayaa wasiir-kuxigeenku bulshada u diray baaq ku aadan inay iska ilaaliyaan cudurka shuban biyoodka kaasoo ku dhawaad 200 oo qof ku dilay guud ahaan Somalia.

Qoob-deero ayaa intaas ku daray in dhibaatada ugu badan ee cudurka dhaliya uu yahay Hilibka xoolaha caatada ah ee suuqyada Puntland lagu gadayo, kuwaasoo uu sheegay inaysan lahay nacfi buuran, wuxuuna bulshada usoo jeediyay inay ka digtoonaadaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dadka barakacayaasha ah iska ka feejignaadaan cudurkaas iyo bannaan ku saxaroodka, kaasoo uu tilmaamay inay qayb ka tahay cudurrada faafa.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli abaar baahsan ka jirto guud ahaan Somalia islamarkaana gabaabsi ku jiraan biyaha nadiifka ah ee bulshadu isticmaasho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM