Puntland:Xukuumadda oo shacabka u digtay

Image

GAROWE, Puntland- Hadal kasoo yeeray wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, ayaa loogu digay shacabka qaybihiisa kala duwan xilli lagu jiro abaar baahsan oo ka taagan guud ahaan Somalia.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa warbaahinta u sheegay inay laga maar-maan tahay sidii la isaga ilaalin lahaa dhib kasta oo shacabka soo gaaray waqtigan.

Isagoo ka hadlay cudurrada ka dhalan karta abaarta ayaa wasiir-kuxigeenku bulshada u diray baaq ku aadan inay iska ilaaliyaan cudurka shuban biyoodka kaasoo ku dhawaad 200 oo qof ku dilay guud ahaan Somalia.

Qoob-deero ayaa intaas ku daray in dhibaatada ugu badan ee cudurka dhaliya uu yahay Hilibka xoolaha caatada ah ee suuqyada Puntland lagu gadayo, kuwaasoo uu sheegay inaysan lahay nacfi buuran, wuxuuna bulshada usoo jeediyay inay ka digtoonaadaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dadka barakacayaasha ah iska ka feejignaadaan cudurkaas iyo bannaan ku saxaroodka, kaasoo uu tilmaamay inay qayb ka tahay cudurrada faafa.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli abaar baahsan ka jirto guud ahaan Somalia islamarkaana gabaabsi ku jiraan biyaha nadiifka ah ee bulshadu isticmaasho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM