Qandaraaska Garoonka diyaaradaha Garowe oo lagu furey Dubai

Image

DUBAI, March 23,2015 ( GO)- Waxaa maanta lagu furey hotel ku yaal magaalada Dubai ee wadanka Imaraadka Carabta qanadaraaskii shirkadaha u tartamey dhismaha garoonka diyaaradaha magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe iyo Jaamacadda Baran.

Shirkadaha u tartamey dhismaha Jaamacada Baran ayaa maalintii shalay March 22,2015 la furey tartanka qanadaraaskooda. Wararka hordhaca ah ee Garowe Online heleyso ayaa sheegaya in laga xushay saddex shirkadood kuwaasoo la filayo mid ka mid ah in lagu dhawaaqo bisha soo socota dabayaaqadeeda.

Dhinaca kale shirkadaha ku guuleystey wareega labaad ee qandaraaska mashruuca lagu dhisayo Garoonka diyaardaha Garowe ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxey gaaryaan 4 kuwaasoo labo kamid ah ka socdaan wadanka China  halka labada kale ka yimaadeen wadanka Turkiga.

Maalgalinta dhisamaha Garoonka diyaardaha Garowe iyo Jaamacada Baran ayaa waxaa ku deeqey hay'adda Kuwait Fund.

Shirkadda u qaabilsan soo bandhigista qanadaraaskaan hay'ada Kuwait Fund ayaa la filayaa in sadexda asbuuc ee  soo socda gudahooda ay ku dhawaaqdo shirkada ku guuleysatey dhismayaasha garoonka diyaaradaha Garowe iyo Jaamacadda Baran.

Xafladaan lagu furey Qandaraaska ayaa sidoo waxaa goob joog ahaa Wasiirka maaliyada Puntland, Wasiirka Duulista, Garoomada iyo saraakiil kale.

Dhismaha Garoonka diyaaradaha Bosaso oo ay ku deeqdey Dowladda Talyaanigu ayaa waxaa dhismihiisa fulinaya shirkad laga leeyahay wadanka China.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM