Qaramada Midoobay oo cuna-qabateyntii ka qaadey Sheekh Atam

Image

December 20, 2014 (GO)- Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa liiska cuna qabateynta ka saarey Sheekh Maxamed Siciid Atam oo isagu sanadkan horraantiisii shaaciyey inuu gebi ahaanba isaga baxay ururka Al-shabaab islamarkaana nabad qaatey.

Go'aanka Golaha Ammaanka waxaa soo dhoweysey Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku tilmaantay inuu yahay guul usoo hoyatey dhammaan inta nabada jecel.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo shir-jaraa'id maanta ku qabtay xafiiskiisa mgaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladu soo dhoweyneyso tallaabadan isagoo xusay in qorshaha Atam liiskaas looga saaray ahaa mid muddo dheer Dowlada Federaalku kasoo shaqeynaysey.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxey soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha Ammaanka QM oo ay Sheikh Atom uga saareen liiska cunaqabatenta 1844. Dowladda ayaa la xaajootay QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM si loogu guuleysto in muwaadin Soomaaliyeed oo ka baxay kooxaha argagaxisada isla markaasna nabadda qaatay in laga saaro liiska cunaqabateynta" Dhuxulow ayaa sidaas yiri.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa horay cuna qabateyn dhanka dhaqaalaha iyo safarka ah ugu soo rogey qaar kamid ah saraakiisha sare ee kooxda Al-shabaab iyo weliba shaqsiyaad kale oo lagu soo eedeeyey inay kooxdaas gacan saar la leeyihiin.

Bishii June ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii uu dowladda Federaalka isu dhiibey Sheekh Maxamed Siciid Atam oo isagu horay hogaamiye ugu ahaa xoogaga Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Galgala.

Shir-saxaafadeed uu June 7, 2014 Muqdisho ku qabtey, wuxuu ka sheegay inuu nabad qaatay dowladana la shaqeyn doono hadda kadibna ka tirsaneyn Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM