​Qaramada Midoobay oo hambalyo u dirtay ciidamada Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 29-March-2016 xafiiskiisa ku qaabilay wafti kasocdey Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa oo hoggaaminayey ku-xigeenka wakiilka xog-hayaha guud Somalia  ee dhinaca Aadanaha Peter De Clercq.

Kulanka Gaas  waxaa kuwehelinayey ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyaha Barlamanka Axmed Cali Xaashi iyo xubno katirsan golaha wasiirada.

Madaxweyne Gaas  iyo Peter De Clercq ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen Arrimaha la xiriira bini'aadannimada iyo heerka ay ka marayso deegaannada maamulka Puntland iyagoo sidoo kale isla soo qaaday wadashaqayn dhexmara labada dhinac.

Labada mas'uul ayaa dhinaca kale kawada hadlay arrimaha abaaraha  ee ka jira Puntland iyo qaabkii Qaramada Midoobey gacan ug agaysan lahayd taakulaynta dadka tabaalaysan.

Peter De Clercq ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada difaaca Puntland oo dhawaan guulo ka gaaray kooxo duullaan soo qaaday oo katirsan Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM