Qarax is-miidamin ah oo ka dhacay magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa goor dhaweyd ka dhacay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida Garowe Online u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Weerarka ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Jiira Kuwait, waxaana lala eegtay ciidamo katirsan kuwo isku dhafka gobolka Mudug ee ay maamusho dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay ALLAHA u naxariisteen Taliyihii ciidamada isku dhafka Milatariga gobolka Mudug Gaashaanle Sare Xoreeye.

Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo la dhigay goobaha caafimaadka, kuwaasoo ay ku jiraan ciidamo katirsan isku dhafka gobolka Mudug.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas, balse waxaa horay weeraro noocaas ah uga gaystay magaalada mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab.

Amniga magaalada Galkacyo ayaa muddooyinkii dambe aad u wanaagsanaa.

Faah faahinta warkaas dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM