Qardho oo hogaamisay Tartanka Qur’aanka Kariimka degmooyinka Puntland [Daawo]
GAROWE, Puntland- Waxaa maanta 18 June 2017 lagusoo afmeeray masaajidka Al Huda ee magaalada Garowe, loollan loo qabtay Arday kasocotay 16 degmo oo katirsan Puntland, kuwaasoo ku tartamayay Soddonka Juz ee Qur’aanka Kariimka.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qayb galay gunaanudka tartanka Quraanka Kariim ah ee heer Puntland isagoo ay weheliyaan Wasiirro iyo Saraakiil katirsan golayaasha dowladda.
Tartankan oo sannadkii lixaad lagu Qabanayo Garowe, waxaa soo agaasintay hay’adda Khayriga ah ee Al-minhaaj.
Natiijada Tartanka ayaa noqotay sidan;
30 Juz
Kaalinta Magaca Dugsiga Degmada
1aad Ciishe Cabdullaahi Canshuur dugsiga Abii Ayuub, Qardho
2aad Cabdisalaam Axmed Xikma Dangoroyo
3aad Axmed Maxamed Daarul Qur’aan Waaciya
20 Juz
Kaalinta Magaca Dugsiga Degmada
1aad Zakariye Warsame Ibnu Cabbaas Carmo
2aad Ini Sheekh Xasan Daarul Hudda Qardho
3aad Cabdirashiid Jaamac Inbnu Abbaas Bosaso
10 Juz
Kaalinta Magaca Dugsiga Degmada
1aad Maxamed Xaashi Ibii Ayub Qardho
2aad Khaalid Sheekh Daahir Daarul Qur’aan Bosaso
3aad Cabdiwadduud Cumar Ibnu Abbaas Carmo
5 Juz
Kaalinta Magaca Dugsiga Degmada
1aad Ibraahim Daarul Qur’aan Bosaso
2aad Khaliil Axmed Abii Ayuub Qardho
3aad Cabdiraxmaan Farax Ibnu Abaas Carmo
Qaar kamid ah Guddiga soo qaban qaabiyay Tartanka ayaa sheegay in ujeedka loo qabto sannadkasta 10 dambe ee Ramadaan ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa niyadda Da'yarta Xafidsan Qowlka EEBBE.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn uduceeyey guud ahan ardayda ka qayb gashay tartanka Quraanka Kariim ka ah, isagoo waalidka dhalay carruurta ka qayb qaadatay tartanka iyo macalimiinta wax soo baray ku ammaanay sida wanaagsan ee ay uso gacan qabteen una soo ababiyeen Dhallaankan xafidsan Quraan ka ah.
''Mahad waxaa iska leh intii soo qaban qaabisay xaflada, mahad waxaa iska leh macalimiintii soo barbaarisay dhalinyarada tartanka ka qayb qaadatay, mahad waxaa iska leh waalidiintii sida wanaagsan u barbaariyey, dedaalka geliyey inay soo saaraan jiil wanaagsan oo akhalaaqiyaad fiican leh iyana aad iyo aad bay u wanaagsan yihiin,'' Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa gudiga ku booriyey inay sanadka danbe Insha Allah kusoo kordhiyaan tartanka, tartanka gabdha maadaama ay hablaheenu asaas u yihiin qayska, isla markaa ay mudan yihiin in lagula dedaalo barida iyo dersida diinteena islaamka.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu danbayn gudoonsiyey ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka Quraanka Kariim ka ah Jaa'isooyin isugu jirira Lacag iyo abaalmarino kale, halka uu Madaxweynuhu gudoon siiyey ardaygii galay kaalinta koowaad abalmarin Gaadhi nooca loo yaqaan ''NOAH'', sidoo kale gudiga qaban qaabada tartanka ayaa madaxweynaha gudoonsiiyey shahaado sharaf ay ku maamuseen dedaalkiisa iyo kartidiisa uu marwalba la garab taagan yahay ilaalinta diinteena suuban ee Islaamka.
GAROWEONLINE