Qarjab iyo Taliyaha Kantaroolka Garowe oo ka hadlay baabuurkii Qaraxa siday

Image

GAROWE, Puntland- Taliyaha kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe, Kaptan Bashiir Cismaan Cawad ayaa  ka hadlay qaabkii baabuurkii Qaraxa siday ee maalin ka hor lagu qabtay Bosaso uu ku dhaafay caasumadda Puntland.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Gudaha Bashiir ayaa xusay inuusan ka hor dhacayn wararka sheegaya qaabkii uu baabuurkan ku dhaafay Garowe iyo inay jiraan goobo uu alaab ku dajiyay, balse wuxuu cadeeyay in la badalay dhammaan ciidamadii markaas shaqada ku jira ee joogay Kantaroolka.

Kabtanka, ayaase xusay in sababta uu baabuurkaas u gudbay ay la xariirto Duunyo uu waday, taasoo uu sheegay in gabi ahaanba aan la baabirin baabuurta naflayda sida si duunyada loogu naxariisto.

Wuxuu qaatay qaladka iyo dhaliisha loo soo jeedinayo ee ku aadan baaburkaas qaraxa siday ee dhaafay caasumadda, balse wuxuu sheegay inay mamnuuceen in baabuurtu isku dhex raraan khudaar iyo xaywaan, baabuurkii lagu helo arrintaasna ay xabsiga gayn donaan.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in shacabku dhawaan arki doonaan isbadal xoog leh oo ku aadan amniga guud ee Puntland, xilli uu la hadlayay warbaahinta Gudaha.

Qarjab oo wax laga weydiiyay baabuurkii shalay lagu qaybtay magaalada Bosaso, ayaa sheegay in cadowgu markasta donayaan inay dhibaateeyaan shacabka isago fariin adag u diray mas'uuliyiinta iyo askartii joogtay barihii Kantaroole ee baabuurkaas uu kasoo gudbay.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono Saraakishii iyo dhammaan ciidamadii howlgalka ku jiray waqtigii uu baabuurkaasi gudbayay.

Ilaa hadda lama ogaan sida uu baabuurkaas ku dhaafay magaalooyinka Galkacyo, Garowe iyo Qardho, balse waxaa socda baaritaan sida mas'uuliyiinta dowladdu sheegtay.

Shalayay ayay ahayd markii Bosaso lagu qabtay gaari Qarax sida oo ka yimid magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, waxana taliska qaybta gobolka Bari ay sheegeen inay ka xunyihiin baabuurta sida sahalka ah kusoo maraysay magaalooyinka waaweyn ee lagu qabanayo Bosaso. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM