Qodobada Puntland oo shirkii Muqdishu looga doodin [Dhagayso]

Image

22 Septembar, 2015(GO)-Afhayeen xukuumadda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac "Quraan Jecel" oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa ka hadlay aragtida Puntland ee warmurtiyeedkii shalay laga soo saaray Muqdisho.

Quraan Jecel ayaa sheegay Puntland inay shirka la tagtay 9 Mabda'a oo kala duwan kuwaasi oo ka mid ahaayeen; Dastuurka, qabsoomidda doorashada xilligii horay loo qorsheeyay, soo xulista Barlamanka Somalia iyadoo lagu salaynayo 18-kii gobol ee Somalia, cida go'aamin doonta iyo qodobo kale.

Qodobada Puntland wax dood ah lagama furin sida uu sheegay Afhayeenku maadaama Puntland banaanka ka istaagtay shirka iyagoo ku tilmaamay mid khaldan, balse ay joogeen furitaankiisa.

Bartamaha bisha 10-aad ayuu sheegay in loo ballansanyahay shir kale kaasi oo Puntland aragtideeda ku soo bandhigi doonto.

Waxa uu cadeeyay inay jiraan dokumintiyo khaldan oo lafaafiyay, balse kan saxda ahi uu tilmaamayo furitaanka shirka iyo mahadnaqa xubnaha ka soo qayb galay.

Puntland ayaa shirkii Muqdishu uga baxday sababo ay ka mid tahay maamulka Galmudug oo sharciyadiisu waafaqsanayn Dastuura dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM