​Qodobo kasoo baxay shirka Isimada Garowe [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Kulan wali isimada Puntland uga socda magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa goordhaweyd laga soo saaray qodobo ku aadan xaaladda taagan iyo shirka magalada Qardho ee la sheegay inuu u furmay duub dhaqameedka Soomaaliyeed.

Qodobada soo baxay ayaa lagu sheegay in kulanka kasocda xarunta gobolka Karkaar uu yahay mid siyaasadeed oo lagu kala qaybinayo isimada Puntland, waxaana lagu xaqiijiyay inuu hareermarysanyahay hishiisyo horay loog gaaray.

Go'aanka duub-dhaqameedka Garowe isku raaceen ayaa ahaa Afar qodob oo akhriyay Suldaan Bashiir Muuse Konte, ayaa u dhignaa sidan;

1.       Waxaa madashada fadhiga, isimada Puntland ee Garowe u mahadcelinayaan dhammaan isimadii iyo waxgaradkii sida joogta ah nooga lasoo xiriirayay deegaanada kala duwan ee Somalia, si ay xaqiiqda shirkaasi u ogaadaan, kuna qancay inaan shirkaasi ahayn mid dhaqan kaliya ah

2.       Waxaan sidoo kale mahadnaq iyo bogaadin u diraynaa shacabkii Puntland ee gudaha iyo dibadaba joogay, ee nala gartay dareenka aan shirkaasi ka qabnay naguna taageeray

3.       Waxaana hay'adaha Qaramada Midooba iyo madaxda dowladda Federalka ee hanka siyaasadeed ee 2016 ku jiro, ugu baaqaynaa inay faraha kala baxaan arrimaha dhaqanka ee Puntland

4.       Isimada madasha caasumadda Garowe, waxay isla garteen cawaaqib xumada ka timaada shirkaas, waxaa mas'uuliyadeeda iska leh, ciddii abaabusha ama dhaqaalaysay

Qodobadaasi kadib isimada ayaa mahadcelin u jeediyay, umadda Somaliyeed iyagoo ILAAH uga baryay in colaadaha, abaaraha iyo cudurrada ka saaro, quluubtoodana isu soo jeediyo, qarankoodiina usoo celiyo.

Qaar kamid ah isimada madasha ayaa intaasi kadib la hadlay warbaahinta iyagoo sheegay inay ka xunyihiin arrimaha ka taagan Puntland gaar ahaan qaabka loo kala qaybinayo dhaqanka, waxayna tilmaamameen inay nasiib darro tahay in laga hadlo arrimo fog iyadoo aan la xallin midda ka taagan beelaha ku bahoobay Puntland.

War-saxaafadeedka kasoo baxay odoyaasha dhaqanka ee Garowe ku shirsan ayaa ku saxiixnaa 21 odoy isim oo kala ahaa;

1.       Islaam Ciise Islaam Maxamed Islaam Muuse

2.       Garaad Cabdullaahi Cali Ciise [Afhayeenka Isimada Puntland]

3.       Boqor Cabdullaahi Axmed Cali

4.       Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin

5.       Suldaan Siciid Maxamed Maxamud (Irbad)

6.       Islaam Axmed Islaam Maxamud

7.       Garaad Cabdullaahi Dacar (Tamaam)

8.       Ugaas Cabdulqaadir Cailmi (Filig)

9.       Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamud

10.   Suldaan Nuur Suldaan Maxamed Aadan

11.   Garaad Maxamed Cilmi Shirwac

12.   Suldaan Bashiir Muuse (Konte)

13.   Suldaan Siciid Maxamed (Garaase)

14.   Suldaan Cabdullaahi Saalax Cumar

15.   Islaam Mahad Islaam Maxamud Cilmi

16.   Suldaan Maxamud Xasan Cumar

17.   Suldaan Maxamed Suldaan Axmed

18.   Islaam Maxamed Maxamud Cali

19.   Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil

20.   Islaam Maxamud Islaam Yaasiin

21.   Suldaan Axmed Bashiir Ducale.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli muddooyinkii dambe ka taagnaa gudaha Puntland khilaaf ka abuurmay shirka ka furmay Qardho ee madaxweyne Gaas ka qayb galay, kaasoo furay Burhaan Boqor Muuse oo isugu yeeray odoyaal dhaqameed Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM