Qodobo laga soo saaray shirka Qardho
Waxaa maanta magalada Qardho lagusoo gaba gabeeyay shir u socday odoyaal dhaqameed muddo saddex bari ah ka arrinsanayay arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo midaynta hogaanka dhaqanka dalka.
Shirkan ayaa waxaa lagasoo saaray warmurtiyeed qodobaysan oo ay kamid ahaayeen in la sameeyo dallad ay ku midaysanyihiin duubka dhaqanka, waxaana looga dhawaaqay gogol kale oo la dhigi doono magalada Muqdishu.
Waxaana war-saxaafadeedka soo baxay u qornaa sidan;
1: Shirka madasha wada tashiga dhaqanka soomaaliyeed wuxuu ku baaqay in dagaalkii sokeeye uu dhamaaday, haseyeeshee meelaha qaarkood ay kajiraan colaado kooban oo in la joojiyo ubaahan,
2: In odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay yihiin hoggaanka ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay kunoolyihiin, waana soojireen aan dhicin loona baahanyahay in ummadda ay kuhoggaamiyaan caddaalad,sinaan, nabadayn iyo midnimo,
3: Waa in hoggaanka dhaqanka soomaaliya kumidoobaan kudhaqanka shareecada Islaamka oo ay yeeshaan gole dhaqan oo isku xira dhaqanka soomaaliyeed meel walba ay joogaan,
4: Waa in ay hoggaamiyayaasha dhaqanku yeeshaan "Dalad" ayku midaysan yihiin si ay ugutaan hawlaha loo igmaday si hufnaan kujirto iyo caddaalad,
5: Odayaal dhaqameedka waxay hawlahooda dhaqanka kugudanayaan Shareecada Islaamka iyagoo lakaashanaya culimada waxay uga baah daan xaggasharciga Islaamka,
6:Sidaan wada ognahay qaranimada Soomaaliyeed waxaa burburiyay, "Qabyaalad" kunabaahday bulshada Somaalida dhexdeeda, sidaa daraaddeed waxay ugu baaqeen in ummadda soomaaliyeed ka waantoobaan ku dhaqanka qabyaaladda, iyo quursiga kuna dhaqmaan shareecada Islaamka si ay adduun iyo Aakhiroba liibaan u helaan,
7: Waxay ugu baaqeen hoggaamiye dhaqameeka dhammaan ummadda Somaaliyeed "Nabadgalyo" nabadda waa furaha nolosha iyo jiritaanka ummadda, sidaa daraadeed waa im si wada jir ah looga wada shaqeeyo sugidda nabadda iyo xasiloonida,
8: Waxaan kubaaqaynaa in lahelo "Caddaalad" si loo helo sinaan iyo midnimo loodhanyahay,
9: Waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa in musiibooyinka aafeeyay oo ka mid yihiin Tahriibta, xaalufka badda iyo biriga, nabaad guurka, maanddooriyayaasha in si wada jir ah looga hortago si loocirib tiro,
10: Waxaan ugu baaqaynaa beeshaa caalamka iyo hay'adaha inay gacan kasiiyaan Dawladda Somaliya sidii ay u ilaalin lahayd khayraadka dalka Soomaaliya Badd iyo Biriba,
11: Hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu u mahadcelinayaa doorka wax ku oolka ahaa oo beesha caalamka ay kaqaadatay dib usoo noolaynta qaranimada somaaliyeed iyo kaalmadii bini aadantinimo oo ay u fidiyeen ummada soomaaliyeed waxaana laga codsanayaa inay siiwadaan kaalmada siloogaaro qaranimo buuxda.
War-murtiyeed kadib waxay hoggaamiye dhaqameedka soomaaliyeed u mahadceliyeen ummadda waddanka iyagoo ILLAAHAY uga baryaya inuu, Colaada, Abaaraha iyo cudurradaba kasaaro oo uu quluubtooda iskusoo jeediyo.
Shirkan lasoo xiray ayaa ka taagnaa khilaaf xooggan, waxaana ku kala qaybsanaa isimada Puntland, oo dhaliilay habka loo maray iyagoo sheegay inay ku laranyihiin gacmo siyaasadeeda, waxay kaloo ku sifeeyeen mid hareer maray hishiis duub dhaqameedku ku galeen deegaanka Xoorre.
GAROWEONLINE