​Qodobo lagasoo saaray shir Hirgalinta Dimuqraadiyadda Puntland looga hadlayay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta lagu qabtay xarunta PDRC shir looga arrinsanayay hirgalinta nidaamka Axsaabta Siyaasadeed ee xukuumaddu daah furtay bishii March ee sannadkan 2017, kaasoo ilaa waqtigii la iclaamiyay in la furto ururo aysan jirin cid ku dhaqaaqday tallaabadaas.

Kulankan oo lagu caasuumay Madaxweyne Gaas, Guddoomiyaha Barlamanka, Wasiirro, Siyaasiyiinta iyo Guddiga  KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa diiradda lagu saaray falanqayn ku aadanayd sababta shacabku u furan la’yihiin ururrada siyaasadda iyo doorka xukuumadda kaga aadan hirgalinteeda.

Mudadii kulanku socday ayaa lasoo jeediyay talooyin kala duwan, waxaana Guddoomiyihii hore ee TPEC, Maxamed Xasan Barre, ayaa soo jeediyay talooyin ku aadan sidii loo hirgalin nidaamka isagoo soo jeediyay Qodabadan;

1-      In dowladda iyo Shacabkuba muujiyaan ka go’naansho hirgalinta Nidaamkan

2-      In Beesha Caalamka loo gudbiyo qorshe qeexaya baahida laga saacidayo

3-      In hadii laga gaari waayo howlaha kale ee loo baahanyahay ugu yaraan la qabto doorashooyinka dowladaha hoose

Barre, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in lagu noqdo sannadka 2019 habkii Qabaa’ilka isagoo soo jeediyay hadii nidaamkan guulaysan waayo lagu dhaqaaqo tallaabo ka duwan wax ku qaybsiga beelaha.

Madaxweynaha Puntland, ayaa beeniyay eedaha loo jeediyo xukuumadda isagoo sheegay inaysan jirin dan gooni ah oo barnaamijkan ka leedahay dowladdu, balse ay samaynayso tallaabo kasta oo lagu hirgalin karo nidaamka Axsaabta badan.

Gaas, ayaa intaas ku daray in loo baahanyahay isku tashi ku qotoma yagleelista nidaam ka duwan midka beelaha oo la jaanqaadi kari dalalka hormaray, taasoo sheegay inay leedahay caqabado tiro badan, balse u baahan tanaasul iyo dhabar adayg. Halkan ka Daawo

Dooddan oo lagasoo gaabiyay waqtigii loogu talo galay codsi kayimid dhinac Madaxweynaha, ayaa ugu dambayn laga soo saaray dhowr qodob, sida uu helay Warsidaha Garowe Online, waxaana qodobadaas kasoo baxeen aragtiyo la is-weydaarsaday mudadii falanqayntu socotay oo aad u koobnayd.

Aragti is-weydaarsigan oo ay daadihinaysay Guddiga TPEC, ayaa la isla qaatay in wax laga badalo shuruudihii hore ee lagu xiray diiwaangalinta ururrada siyaasadda iyo samayn Maxkamad Dastuuri ah.

1-      Samaynta Maxkamad Dastuuri ah

2-      Kordhinta Waqtiga loo qabtay inay ku egtahay diiwaangalinta Ururrada siyaasadda

3-      Dhimista lacagta laga qaadayo Urrurada Siyaasadda

4-      U gudbinta qorshe cad beesha caalamka.

Dhinaca kale qodobadii madasha la geeyay ayaa ah in dowladdu furato Xisbi si ay ugu daydaan siyaasiyiinta kale, balse arrintaas waxaa naqdiyay Madaxweynaha oo sheegay inaan la af-duubin shacabka, islamarkaana isku siyaasad  iyo xisbi noqon isaga iyo golahiisa wasiirrada.

25 bishan ayay ku egtahay waqtigii horay Guddigu u qabtay in lagu furto Ururro siyaasadeed.

Guddiga ayaa intaas kadib shacabka ugu baaqay inay furtaan Ururrada si loo amba qaado hirgalinta Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.

Kulankan oo u muuqday mid dowladdu ku naadinayso in la furto xisbiyo ayaa kusoo aaday xilli xaalad adag ay ku jirto Puntland, taasoo ay kamid tahay dagaalkii kooxda Al Shabaab ku qaaday saldhigii ciidamada Daraawiishtu ku lahaayeen deegaanka Af-urur.

Madaxweyne Gaas ayaa horay u ballan qaaday inay inuu Puntland gaarsiin doono doorasho cod iyo qof ah sannadka 2019, waloow uu guddiga magacaabay sannadkii hore bartankiisii, taasoo dadka la socda siyaasadda ku fasireen qorshe doolatus ah oo aysan xukuumaddu ku doonayn inay ka dhabayso ballanqaadkii 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Gargaarka Puntland oo su’aallo laga waydiiyay ka hortagga abaaraha

Marwo Ubax ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasaaradda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo qorshooyinka lagu xoojinayo waxtarka adeegyada ay bulshada u qabato.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:17AM

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland oo hortagay baarlamaanka

Xildhibaannada ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan qorsheyaasha ku aaddan arrimaha Federaalka iyo dimuqraadiyada.

  • Puntland

    18-11-2024

  • 05:13AM