Qoys reer guuraa ah oo ku xoolo beelay miyiga degmada Jariiban

Image

February 12, 2015 (GO)- Qoys reer guuraa ah oo ka kooban toban qof ayaa ku xoolo beelay miyiga degmada Jariiban ee gobolka Mudug kadib markii ay si khaldan dawada xoolaha u siiyeen 150 neef oo ari ah.

Aadan Cabdi Aadan (Qol-yare) waa aabaha qoyska cayroobey, wuxuuna Radio Garowe u sheegay in isagu xoolaha dawada siiyey si uu uga dabiibo (Dhabiijo) oo ah nooc kamid ah dulinka xoolaha dhogortooda gala.

Xoolaha dawada la siiyey oo tiradoodu ahayd 150  neef waxaa isla markaasba bakhtiyey 123 halka 27da  neef ee hartey yihiin kuwo aan wax badan ku nooleyn.

Qol-yare oo la weydiiyey sababta xooluhu u dawada ugu le'deen, wuxuu sheegay in uu si xad dhaaf ah dawada u siiyey maadaama uusan aqoon fiican u lahayn nooca dawada uu isticaamley iyo weliba qaabka xoolaha loo siiyo midna.

" walaalow xoolaha anaa dawada siiyey waxan rabey inaan Dhabiijo ka daweeyo...wax kasta oo dhacay inkastoo ay qornaayeen hadana sababteeda anaa lahaa oo aqoonyari iyo indho adeyga reer miyiga ayaa iigu wacnaa" ayuu yiri.

Aadan Qol-yare, wuxuu ugu dambeyntii  ka codsaday dadka Soomaaliyeed inay usoo gurmadaan maadaama xilligan la joogo qoyskiisu cayr yihiin islamarkaana haysan xoolo ay noloshooda ku maareeyaan.

Boqollaal qof iyo kumanaan xoolo ah ayaa sanad walba ugu geeriyooda dalka Soomaaliya sababta dawooyin dhacay amase si khaldan loo isticmaaley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM