​Qoysas reer guuraa ah oo shil gaari ku galay nawaaxiga Dangoroyo [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Qoysas reer guuraa ah oo u hayaansanaa gobolka Bari oo roobab ka da'een todobaadkii hore, ayaa shil saaka ku galay deegaanka Ceel-buh oo qiyaastii 50KM dhinaca Bariga ka xigta degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Xoghayaha degmadaas Cabdulqaadir Abshir Muuse Sanco oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in shilkaas ku dhaacmeen 12 ruux islamarkaana ay ku baaba'een xoolo tiro badan.

Sanco, ayaa sheegay in shilku yimid xilli baabuurku uu ku socday xawaare sare.

Wuxuu sheegay in dadkii dhawaca ahaa oo isugu jira haween, carruur iyo dad waayeel ah dhaawacooda loo soo gudbiyay magaalada Garowe, halkaasoo xaaladooda lagu dabiibayo.

Xoghayaha, ayaa sidoo kale xusay in wixii shilkaas ka bad-baaday ay saareen gawaari kale si ay usii wadaan socdaalkooda islamarkaana u tagaan goobihii ay hayaanka u ahaayeen.

Mas'uulkan, ayaa tilmaamay in gaarigan ay saarnaayeen ilaa dhow qoys oo ka barakacay abaaraha ka jira degmadaas isagoo sheegay in muddooyinkii dambe ay arkayeen reer guuraa hayaan u ah gobolka Bari oo roobab lagu sheeegay.

Shilkan, ayaa yimid xilli abaaraha ka jira gobolka Nugaal halis galiyeen nolosha dadka halka xoolihii ay dhammaad ku dhowyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM