Ra'isal Wasaare Sharma'arke oo Garowe kusoo wajahan

Image

April 7, 2015 (GO)- Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke todobadkan kusoo wajahan yahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Ra'isal Wasaaraha waxaa soo raaci doona qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada kasoo jeeda Puntland. Diyaar garow xooggan oo ku aaddan soo dhoweynta wafdigaas ayaa Garowe ka socda.

Cumar Cabdirashiid muddada uu Garowe ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda Puntland, isimadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysey ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ku yimaado Puntland laga soo bilaabo markii xilka ra'isal wasaaraha loo soo magacaabey Dec 17, 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM