R. wasaraha Somalia oo soo koobey booqashadi uu ku joogey Garowe

Image

GAROWE, 12 April, 2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo ila lagu kasloon yahay ayaa sheegaya in Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid maanta dib ugu noqonayo magaalada Muqdishu.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa soo gaabshey safarkii uu ku joogey Puntland kadib markii casumaad deg deg ah uu ka heley wadanka Imaraadka Carabta iyadoo la filayo inuu habeen dambe ka dago magaalada Abu Dhabi.

Lama oga saameynta ay ku yeelan karto safarkaan deg deg ah shirka dowlada Fedaraalka iyo Puntland magaalada Garowe uga furmey maalintii shaley "11 April,2015".

Waftiga Ra'isal wasaaraha ayaa habeenkii xaley waxaa xaflad loogu sameeyey xarunta madaxtooyada Puntland iyadoo halkaas hadalo ka jeediyeen madaxda labada dhinac.

Dhinaca kale wararka warsidaha Garowe Online ka helayo kulankii shaley galab "11 April,2015"  uga socdey xubnaha kala matalaya dowlada Federaalka Somalia iyo Puntland ayaan wax hurumar ah laga gaarin iyadoo sida loo qorayo qodobka maamul u sameynta gobolada dhexe ee Somalia la isla dhaafi waayey.

Dowlada Puntland ayaa rumeysan in qoraalka kulankaan kasoo baxi doona lagu qoro in maamulka loo sameynayo gobolada dhexe ee Somalia uu ka koobnaado gobolka Galkaguduud iyo Koonfurta Mudug. Qodobkaan ayaa ku qoraa heshiis dowlada Puntland iyo Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Shiikh ku kala sixiixdeen magaalada Garowe kaasoo qayb ka ahaa khilaafkii soo kala dhexgaley madaxda sare ee dowlada Federaalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlada Somalia ayaa aaminsan in maamulka cusub ee gobolada dhexe ka koobnaan doono gobolka Galguduud iyo Mudug oo buuxda isagoo kaga dhawaaqey hadalkaan khudbo uu dhowaan ka jeediyey magaalada Dhuso Mareeb..

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu dhowaan baajiyey kulan maamulada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo dowlada Federaalka uga furmi lahaa bisha April magaalada Garowe. Baajinta kulankaan ayaa lagu macneeyey iney salka ku hayso in la sugo inta uu soo dhismayo maamulka gobolada dhexe ee Somalia.

Dowlada Puntland ayaa horey u diidey islamarkaana ku tilmaantey sharci daro in maamulka gobolada dhexe loo sameynayo uu ka koobnaado gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Warsidaha Garowe Online kala soco wararka la xiriira kulamada u socda dowlada Federaalka iyo Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM