Radio Galkacyo oo bam-gacmeed Labaad lagu weeraray [ Dhageyso]

Image

January 17, 2015 (GO)- Markii labaad ayaa Radio Gaalkacyo lagu weeraray Bam-gacmeed, iyadoona mamulka iyo shaqalaha xaruntaasi ay walaac ka muujiyeen amniga Idaacadda.

Labo bam-gacmeed ayaa xalay lagu tuuray Idaacadda kuwaasoo burbur gaarsiiyay  gaari dhexyaalay xaruntaas, ma jirto cid sheegatay weerarkan.

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Mudug ahna taliyaha ciidanka birmadka Gaalkacyo Gaashaanle dhexe Cabdirashiid Xasan Xaashi ''Gabigabi'' ayaa Radio Garowe ka waraysatay xaalada amaan ee magaladda iyo inay cid usoo qabteen qaraxyadii Gaalkacyo ka dhacday todobaadyadii lasoo dhaafay.

Gabi-gabi ayaa sheegay inuu wanaagsan yahay ammaanka magalada hase yeeshee ay jiraan dad bam-gacmeed labo jeer ku weeraray Radio Gaalkacyo sidoo kalena qarxiyay gaari bas ah oo ay saarnaayeen macalimiin Kenyaan ah oo wax ka dhiga Iskuulka Yemeyska.

Taliyaha ayaa wax laga waydiiyay falalkaasi in cid loo qabtay wuxuna yiri '' way jireen dad loo qabtay oo xiran, baaristoodu wali waa socdaa'' Gabigabi oo sii hadlayay ayaa sheegay markuu baaritaan kaasi dhamaano in warbaahinta loosoo bandhigi doono.

Amaanka magalada Gaalkacyo ayaa sii xumaanayay tan iyo markii Askari hubaysan uu garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yuusuf ku dilay Labo sarkaal oo ka tirsan UNODC.

Taliyaha qaybta gobolka Mudug ayaa dhowaan xilka ka tagey kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley ku-xigeenkiisa Gabigabi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM