Radio Garowe oo saacado kooban ku aruurisay in kabadan 10 kun

Image

GAROWE, Puntland- Warbaahinta Radio Garoowe ayaa u istaagtay sidii Kaalmo loogu aruurin lahaa dhibanayaasha weerarkii 14 October, 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasumadda Soomaaliya.

Qaraxaas oo loo adeegsaday Baabuur, waxaa dhibaato ba’an kasoo gaartay shacab Soomaaliyeed taasoo keentay in gurmad laxaad leh ay u baahdaan.

Warbaahintan Radio Garoowe oo ah Idaacad u dhaq-dhaqaaqda inta badan arrimaha Bulshada ayaa Isniintii Bilowday Olole lacago looga aruurinayo dhagaystayaasha Idaacadda ee gobolka Nugaal.

Saacado kooban ayaa Idaacadu hawada galisay barnaamijyo toos ah, waxaana dadweynaha loo bandhigay akoono lagusoo shubi karo kaalmada khayriga ah ee loogu talo galay in lagu caawiyo dhibanayaasha weerarkii Zoobe.

Wax ka yar 10 saacadood ayaa Radio Garoowe u suurto galay inay aruuriyo ku dhawaad 11 Kun oo Doollar.

Barnaamijkan oo ay daadihinayaan Yacquub Maxamed Cabdalle iyo Cabdirasaaq Maxamed Xayir ayaa dadweynaha Garoowe aad usoo dhaweeyeen iyagoo sheegay in dedaalka Idaacaddu bilowday uu shidaal u noqday in bulshadu is-abaabusho oo ka qayb qaato caawinta walaalaha Soomaaliyeed.

Daadihiyaasha Barnaamijkan oo la hadlay Garowe Online, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan maalmaha soo socda Gurmadkaas oo qorshahoodu yahay inay Caasimadda Puntland ka aruuriyaan deeq lacageed oo gaaraysa 50,000 oo dollar.

Waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen in shacabka Garoowe awood u leeyahay bixinta lacagtaas ay ku haminayaan iyagoo sidoo kale fariin gurmad u diray dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee awoodi kara inay Kaalmo gaarsiiyaan walaalaha dhiban.

Radio Garoowe oo sidoo kale bah-wadaag la’ah Garoowe ayaa looga bartay taakulaynta dhibanayaasha, ayaa Barnaamijyo ay horay u qabtay lagu dhisay Masaajido, sidoo kale biyo dhaamin loogu sameeyay dadkii abaartu saamaysay iyo Ciid-siinta Carruurta agoonta ah iyo Barnaamiyo kal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM