RW ku xigeenka Somalia oo sheegey in AMISOM la keeni karo Puntland

Image

LONDON- Ra'isal wasaare ku xigeenka Somalia oo Maxamad Cumar Carte oo joogta wadanka Ingriisla ayaa sheegey in Dowlada Federaalka ka qayb qaadaneyso la dagaalanka Al Shabaab ee Puntland.

Maxamad Cumar Carte ayaa sheegey in Dowlada Federaalka aysan rabin in al Shabaab u gurin degaano Nabad ah sida Puntland oo kale isaga oo xusey in dagaalkaan aan cidna loo nisbeyn karin oo aan la oran karin meel bay ka yimaadeen.

" Dowladu waxay mar walba ka shaqeysaa sidii amniga loo sugi lahaa, Puntland iyo dowlad goboleedyada kale way kala shaqeysaa, iminkana iney sii xoojisaa ka ahee ilama aha iney halkaas kaga hareyso" ayuu yiri Ra'isal wasaare ku xigeenka Somalia Maxamad Cumar Carte.

Rai'sal wasaare ku xigeenka oo la hadlay idaacada VOA ayaa la waydiiyey in wax xiriir ah la sameeyeen Dowlada Puntland ayaa sheegey in xiriirku jiro oo booliisku iyo hay'adaha kale ee amniga wadashaqeeyaan balse aan sheegin in madaxda sare ee Federaalka xiriir la sameeyeen Puntland.

Carte oo la waydiiyey in tageero u fidiyeen Puntland ama waydiisteen ayaa xusey iney diyaar la yihiin isaga oo sheegey in arinkaan la fududeysan karo.

Ku xigeenka Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa sheegey in ciidamada Amsiom la gayn karo Puntland hadii madaxda maamulkaas waydiistaan.

Mas'uulkan oo wax laga waydiiyey doorashayinka Somalia iyo khilaafyada jiro ayaa sheegey in inta aan bisha May la gaarin ee sanadkaan la dhameyn doono arrimaha taagan kadibna August sidii loogu talagaley Dowlada cusub loo doorto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM