Saraakiil katirsan ciidamada Puntland oo shil gaari ku geeriyooday

Image

GAROWE, Puntland- Saddex kamid ah saraakiisha ciidamda dowladda Puntland, ayaa ku geeriyooday shil gaari oo galabta ka dhacay wadada laamiga ah ee u dhaxaysa degmooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Dhimashada saraakiishan waxaa lagu xaqiijiyay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Ragga shilkaas ku dhintay ayaa kala ah;

Gaashaanle Dhexe Cawad Cabdiraxmaan Guuleed oo ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka ilaalinta Canshuuraha Bariga

Gaashaanle dhexe Maxamud Cabdi Jaamuus oo ahaa Kaaliyaha ciidamada Qalabka sida ee Puntland

Iyo Gaashaanle Dhexe Maxamed Siciid Jaamuus oo ahaa lataliyaha UN-ka ee arrimaha ciidanka Asluubta.

Gaari ay ku safrayeen saraakiishan ayaa galabta ku qalibmay deegaanka Libaaxo oo kaabiga ku haysa tuulada Sinujiif.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid saraakiishaas, wuxuuna ALLE uga baryay inuu jannadiisa kawaraabiyo islamarkaana uu geeyo jannadiisa Fardowsa.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayuu uga tacsiyeeyay geerida ku timid mas’uuliyiintan oo uu sheegay inay ahaayeen howl-karmeedyo shaqo qaran u hayay shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM