Saraakiil katirsan ciidamada Puntland oo shil gaari ku geeriyooday

Image

GAROWE, Puntland- Saddex kamid ah saraakiisha ciidamda dowladda Puntland, ayaa ku geeriyooday shil gaari oo galabta ka dhacay wadada laamiga ah ee u dhaxaysa degmooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugal.

Dhimashada saraakiishan waxaa lagu xaqiijiyay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Ragga shilkaas ku dhintay ayaa kala ah;

Gaashaanle Dhexe Cawad Cabdiraxmaan Guuleed oo ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka ilaalinta Canshuuraha Bariga

Gaashaanle dhexe Maxamud Cabdi Jaamuus oo ahaa Kaaliyaha ciidamada Qalabka sida ee Puntland

Iyo Gaashaanle Dhexe Maxamed Siciid Jaamuus oo ahaa lataliyaha UN-ka ee arrimaha ciidanka Asluubta.

Gaari ay ku safrayeen saraakiishan ayaa galabta ku qalibmay deegaanka Libaaxo oo kaabiga ku haysa tuulada Sinujiif.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid saraakiishaas, wuxuuna ALLE uga baryay inuu jannadiisa kawaraabiyo islamarkaana uu geeyo jannadiisa Fardowsa.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayuu uga tacsiyeeyay geerida ku timid mas’uuliyiintan oo uu sheegay inay ahaayeen howl-karmeedyo shaqo qaran u hayay shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM