Sarkaal sarre oo isku day dil kaga badbaaday waqoyga Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Tafaasiil dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax gaari oo xalay ka dhacay waqoyga magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaarigiisa loogu rakibay sarkaal sarre oo ka tirsanaa Ciidamada Xasilinta ee gobolkaas.

Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin oo gaarigu ku qarxay isagoo maraya xaafadda Siinay ayaa lagu waramayaa in uu dhaawacmay.

Dhaawaca Istakiin ayaa lagu daaweynayaa mid kamid ah Isbitaaladda magaaladda, waxaana la sheegay in xaaladiisu wacan tahay.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, hase ahaatee, waxaa dhacdooyinkan looga bartay Al-Shabaab iyo Daacish.

Xaaladda magaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana laamaha ammaanku xoojiyeen muddooyinkii dambe howlgaladda lagu sugayo nabad-gelyada.

Waqoyga Gaalkacyo ayaa waxaa ka jira maamul hoostaga Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, halka Koonfur uu ka armiyo maamulka Galmuudg.

Ciidamadda Xasilinta Mudug oo ah isku-dhaf labada dhinac laga soo xulay ayaa loogu talagalay in ay sugaan amniga, waxayna hoostagaan federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM