​Sarriflayaasha iyo maamulka Galkacyo oo hishiiyay

Image

GALKACYO, Puntland- Sarriflayaasha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa saddex todobaad ee u dambeeyay samaynayay diidmo la xariirta qaadashada iyo badalka lacagta shilling Somaliga ee lagu daabacay deegaanada Puntland.

Tallaabadan oo timid waxyar kadib markii gobollada dhexe laga diiday qaadashada lacagtaas iyadoo loo hogaansamayo amar kasoo baxay ururka Al Shabaab, ayaa maamulka degmada Galkacyo oo kaashanaya taliska gobolka Mudug ku dhaqaaqeen tallaabo lagu xakamaynayo dadka diidan lacagta shilling Somaliga.

Ciidamada ammaanka Galkacyo ayaa howlgal ay sameeyeen Jimcihii waxay ku xir-xireen in kabadan 50 Sariflayaal oo lagu edeeyay in ay qayb ka ahaayeen diideen gaabi ahaan  qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga ah oo Khamiistii lasoo dhaafay laga diiday guud ahaanteeda  magaalada Gaalkacyo.

Howgalkan ayaa waxaa hormuud u ahaa Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug Aadan Nuur qaal oo Bulshad ugu baaqay in ay Ciidamada la shaqeeyaan.

Masuuliyiinta Amniga iyo kan degmada ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo Gancsatada Qaarkood ay  diideen in ay qaataan.

Tallaabadaas kadib waxaa wada-hadal isugu yimid Sariflayaasha iyo maamulka degmada Galkacyo, waxayna ka wada-hadleen sidii loo dajin lahaa xiisadda.

Labada dhinac ayaa ku hishiiyay arrimo ay kamid ahaayeen;

In la socodsiiyo lacagta shilinka Soomaaliga si bilaa sharuud ah, ganacsadihii diidana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan

In aan loo dulqaadan doonin in la diido lagata kunka shilin ah ee laga isticmaalo  Degaanada  Puntland

In lacagta Dollarka ah lagu celiyo qiimihii hore ee lagu sarrifi jiray

Shacabka gobolka Mudug ayaa go'aankan ku taageeray dowladda maadama ay caqabad adag kala kulmeen diidmada lacagta Shilling Somaliga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM